Zia Ghafoori iyo xaaskiisa oo uur leh iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen ayaa bishii Sebteembar 2014 waxay yimaadeen dalka Mareykanka, iyagoo ka soo guuray magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afqaanistaan.
Zia waxa uu haystay shan dal-ku-gal (fiisooyin) oo Maraykan ah – waana abaalmarinta muddo 14 sano ah oo uu turjubaan u ahaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee ka hawlgalayay dalka Afqaanistaan.
Haseyeeshee, dheeftii uu ka heli jiray Mareykanka ayaa intaasi ku istaagtay. Zia Ghafoori markii uu Mareykaka tagay, wuxuu noqday hooy la’aan, wuxuuna ku khasbanaaday in la geeyo meel dadka hooy la’aanta ahi lagu daryeelo.
Toddobo sano kaddib, waxaa wali maskaxdiisa ka guuxaya dhibaatadii uu soo maray markii uu yimid gudaha dalka Mareykanka oo ku haminayay muddo lix sano ah.
Hadda wuxuu ku nool yahay North Carolina, wuxuuna BBC-da uga sheekeeyay xusuustiisii dhibaatada lahayd ee uu ka soo maray dalka Mareykanka, isagoo carruurtiisa mar waliba ka raalligelinayo in uu keenay Mareykanka.
“Waa ay igu adag tahay in aan xakameeyo illinta ka qubanayso indhaheyga,” ayuu yidhi. “Kaddib wixii aan u soo qabtay labadani dal, waxaan is-weydiinayaa ‘miyuu abaalgudkeygu sidaan yahay?'”
Haseyeeshee marka la eego xaaladda ay ku nool yihiin saaxiibbadiisa kale ee turjubaannada u ahaa ciidamada Mareykanka, Zia, oo hadda 37 jir ah, waxa uu isu arkaa inuu nasiib badan yahay maadaama uu nasiib u yeeshay in uu yimaado Mareykanka.
Tobannaan kun oo oo qof oo reer Afqaanistaan ah ayaa la shaqeynayay ciidamada Mareykanka iyo xulifadooda ee ku sugan gudaha dalka Afqaanistaan, kuwaa oo qaarkood ahaa turjubaanno tan iyo markii uu billowday dagaalkii Afqaanistaan sannadkii 2001, xilligaasi oo ay ciidammada reer galbeedka ku soo duuleen dalkaasi si ay xukunka uga tuuraan ururka Taalibaan.
Tobaneeyo sano kaddib billowgii dagaalka noqday kii ugu dheeraa ee Mareykanka uu galo, ayaa madaxweyne Joe Biden, waxa uu wacad ku maray in ciidamada dalkiisa uu kala bixi doono Afqaanistaan marka la gaaro 11-ka Sebteember 2021- Xilli Taalibaanku ay u muuqdaan in ay diyaar u yihiin in ay xukunka ku soo laabataan mar kale.
Qaxitaankii Zia
Madaxweyne Biden wuxuu ballanqaaday in ka hor bisha Agosto ee sanadkan la daad -gureyn doono tarjubaanno la shaqeyn jiray ciidamada Mareykanka, waxaana Jimcihii shalay ahaa dalka Mareykanka la geeyay 200 oo qof oo reer Afqaanistaan ah oo ka mid ahaa kooxdii ugu horreysay oo 2,500 oo qof ka koobnayd, si ay u dhamaystirtaan codsiyadooda magangelyo doonka ahi oo ay u billaabato nolol cusub.
Qiyaastii ilaa 50,000 oo turjubaanno ah ayaa la shaqaynayay milatariga Mareykanka. Laga soo billaabo sanadkii 2008-dii, ilaa 70,000 oo qof oo reer Afqaanistaan ah oo ahaa turjubaanno iyo qoysaskooda ayaa la keenay Mareykanka, arrintaa oo abaalgud looga dhigayay shaqadii ay u soo qabteen ciidamada Mareykaka. Balse qiyaastii ilaa 20,000 oo kale iyo qoysaskooda ayaa weli raadinaya meel ay uga baxaan dalka Afqaanistaan.
Waxay dadkaasi haatan wajahayaan raadinta hannaan dal-ku-gal oo aad u dhib badan iyo halista Taalibaanka oo hadda qabsanayo inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Afqaanistaan, xilli Mareykanku uu soo afjarayo hawlgal milatari oo uu dalkaasi ka waday muddo 20 sano ah.
Tan iyo sanadkii 2009-kii, qiyaastii 300 oo qof oo turjubaanno ah ayaa dhintay iyaga oo raadinaya dal-ku-galka Mareykanka. Helitaanka dal-ku-galka Mareykanka ayaa ah hannaan qaadan karayo sanado, waana arrinta ka yaabisay Zia.
“Dadkani waxay u istaageen oo garab siiyeen labadani dal… haddana waan iska indho tireynaa oo waxaan uga tageynaa halistaasi ah in la laayo,” ayuu yiri Zia.
Zia wuxuu ku biiray turjubaannada milatariga Mareykanka sanadkii 2002 -dii. Waxay ahayd shaqadii ugu horreysay ee uu qabto isaga oo 18 sano jir ahaa xilligaasi.
Zia wuxuu aad u xasuustaa dhibaatadii ay kala kulmeen xukunkii ururka Taalibaan oo ragga iyo dumarkuba garaaci jiray isla markaana walaashii ka mamnuucay iskoolka iyo waxbarashada madaniga ahi.
Walaalkiis ka weyn, oo 20 jir ahaa ayay Talibaanku garaaceen oo ay xabsiga dhigeen kaddib markii ay maqleen isaga oo ku hadlaya lahjadda dadka dega dooxada Panjshir, oo xilligaasi aad u taageerayay dagaalka ka dhanka ah ururkaasi Taalibaan.
Dhacdadaasi kaddib qoyskiisu waxay go’aansadeen in ay ka qaxaan Kabul oo ay u qaxaan dhanka magaalada Pashawar ee dalka Pakistan.
“Waxaan u sheegay hooyaday in marka aan weynaado aan la dagaallami doono Taalibaanku, ” ayuu yiri.
Pashawar, waxa uu ku bartay luuqadda Ingiriiska oo lagu dhigayay iskoolkii uu dhiganayay.
Qoyskiisu waxay dalka Pakistan ku noolaayeen ilaa sanadkii 2001-dii, markii Mareykanku uu billaabay duullaankiisa 20-ka sano qaatay ee ka dhanka ah Taalibaanka Afqaanistaan.
“Markii aan soo laabannay, waxaan arkay dawlad adag in ay ka hana qaaday dalkayaga,” ayuu yiri Zia. “Waxaan is-iri hadda waxaan leenahay rajo.”
Wuxuu dib u billaabay noloshiisa dalka Afqaanistaan oo halkaa ayuu ku guursaday, wuxuuna noqday macallin luuqadda Ingiriiska ka dhigo iskool maxalli ah. Bilo gudahood markii uu soo laabtay, saaxiibkii ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanku ay u baahan yihiin turjubaanno.
Maalintii xigtayna waxayba tageen saldhigga Kabul ee ciidamada Mareykanka, halkaa oo uu ku biiray turjubaannada ciidamada Mareykanka.
“Waxay qoranayeen qof kastaa oo ku hadli karaya luuqadda Ingiriisiga. Anigu ma aqoon ereyada la xiriira arrimaha milatariga balse waxay igu yirahdeen dhib ma lahan.”
Sida uu sheegaya, in kasta oo safarro bilooyin ah uu aadayay isla markaana uu dareensanaa halista furimaha dagaalka, haddana shaqadiisa aad ayuu u jeclaa.
Wuxuu marar badan diiday codsi uga yimid xaaskiisa iyo qoyskiisa oo ahaa inuu shaqadaasi isaga ka tago, wuxuuna u sheegay in uu nolashiisa u hibeeyay “walaalihiisa” ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, oo u bixiyay naanaysta ah, “Booyah”.
“Waxaanu ahayn isha iyo carrabka militariga Mareykanka,” ayuu yiri Zia.
Zia wuu ogaa in shaqadaasi ay tahay mid halis badan oo naftiisa galaanfan karayso.
Bishii Abriil 2008, wuxuu furinta dagaalka u raacay ciidammada Mareykanka. Daqiiqado kaddib waxaa la dilay saaxiibkiis oo isna ahaa turjubaan, isagana dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaalkaasi. Dhaawicaasi ayuu Zia ku muteystay abaalmarinta Purple Heart.
Wixii intaasi ka dambeeyay wuxuu billaabay in uu raadiyo sidii uu Mareykanka ku aadi lahaa balse arrintaasi ayaa ku qaadatay muddo lix sano ah.
Sanadkii 2014-kii ayuu helay dal-ku-galkii uu Mareykanka ku tagi lahaa. Saddex bilood kaddib, Zia iyo qoyskiisa oo dhawr jeer hanjabaadyo kala kulmay Taalibaan ayaa waxay tageen magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka. Kharash gaaraya lix kun oo doolar ayuu ku yimid Mareykanka balse markii uu halkaasi tagay, waxa uu waayay taageeradii uu sugayay.
Sida uu sheegay, xitaa wuxuu waayay qof u dhashay dalkiisa, wuxuuna markiiba u guuray magaalada Mannassas ee gobolka Virginia oo ay ku noolaayeen dad badan oo reer Afqaanistaan ah.
Kaddib wuxuu caawimaad weydiistay hay’addii ay ahayd in ay caawiso balse maalmo kaddib waxaa soo wacay haweeney u sheegtay in ay u hayso meel isaga iyo qoyskiisa ay ku noolaan karaan.
“Waxay igaysay meel loogu tala galay dadka hooy la’aanta ahi. Dhinacyada ayaan eegay, waxaana ii soo baxday in halkan aysan ahayn meel ay tahay in carruurteyda ay ku soo barbaaraan,” ayuu yiri Zia.
Maalin kastaa carruurtiisa ayaa waxay weydiin jireen dadkii ay ehelka ahaayeen iyo goorta ay Mareykanka imaan doonaan. Maalmo kaddib Zia waxa uu wacay kabtankii uu la shaqeyn jiray, waxa uuna u sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay darxumo ku haysato Mareykanka. Maalmo kaddibna kabtankii ayaa u yimid oo u kexeeyay North California, kaddina siiyay guri uu ku noolaado.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa Zia iyo qoyskiisa oo dhan waxay qaateen dhalashada Mareykanka. Carruurtiisu waxay haatan si fiican ugu hadlaan luuqadda Ingiriiska oo xitaa mararka qaar waxay ku qoslaan sida uu aabahood ugu hadlo luuqaddaasi.
Inkastoo hadda uu nolal haysto, Zia waxa uu ka walacsan yahay xaaladda turjubaannada kale ee dalka ku haray, xilli Taalibaanku ay ku sii siqayaan magaalooyin badan oo dalkaasi Afqaanistaan ah.