Markabkii xannibay Marin biyoodka Suez oo laga heshiiyay sii dayntiisa

0
16

Egypt-(Berberanews)-Masar ayaa sii deyn doonta markabka konteenarka ee xannibay Kanaalka Suez bishii March, ka dib markii ay heshiis magdhow ah la gashay milkiilayaasha markabka iyo caymisyada.

Labada dhinac waxay sheegeen in Ever Given loo ogolaan doono Arbacada inuu ka baxo harada weyn ee qadhaadh, badhtamaha kanaalka, halkaas oo lagu qabtay.

Qodobada heshiiska lama shaacin, laakiin Masar waxay dalbatay $ 550m (£ 397m). Marlabka ee dhererkiisu yahay 400m (1,312ft) Ever Given ayaa ku xidhay kanaalka oo dhan ka dib markii ay ku soo rogmadeen dabeylo waawayn.

Waxaa la furay lix maalmood kadib hawlgal badbaadin ah oo ay kujireen qulqulatooyin doomaha jiida ah iyo maraakiibta qodista, intii lagu jiray hawshaas waxaa ku dhintay hal qof.

Ganacsigii adduunka waa la carqaladeeyay iyadoo boqolaal markab ay qasab ku noqotay inay sugaan si ay u maraan marin biyoodka 193km (120-mayl), kaas oo isku xidha badda Mediterranean-ka iyo Badda Cas oo bixiya isku xidhka ugu gaaban badda ee u dhexeeya Aasiya iyo Yurub.

UK Club, oo caymis ku bixisay milkiilaha shirkada Ever Given ee Shoei Kisen, ayaa axadii ku dhawaaqday in “xal rasmi ah” lagaga heshiiyay Hay’ada Kanaalka Suez (SCA) si loo xaliyo murankooda ku saabsan magdhawga.

“Diyaar garowga sii deynta markabka waa la sameyn doonaa munaasabad calaamadeynaysa heshiiska waxaa lagu qaban doonaa xarunta hay’addu ku leedahay ismaaciiliya waqtigeeda,” ayay raacisay.

Hay’ada SCA ayaa sheegtay in munaasabadan la qaban doono maalinta Arbacada ah, isla markaana kaqeybgalayaashu ay daawan karaan markabka ka baxaya kanaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here