Musharaxiinta Hargeysa iyo Baahiyaha aanan Qorshayaashooda ku arag! Waxa Qoray: Liibaan Ismail Buraale

0
17
Niman badan oo xul ah karti iyo hufnaan leh ayaa u sharaxan Hargeysa, waxaanay siyaabo dhiiran oo qurux leh u soo bandhigeen baayiha Hargeysa ku gadaaman ee ay wax ka qabanayaan.
Waxaanse tabayaa oo aanan qorshayaashooda ku arag ama ku maqal baahiyo aan bulshada inta badan u muuqan oo ah duruuriyaad ama aasaasiga ah ee Hargeysa ay u baahan tahay in muddo kooban wax lagaga qabto.
Waxaanan ka xusi karayaa.
1. Tan iyo intii ay Hargeysi kobaca samaysay Hargeysa kama ay hano qaadin goob ay isugu yimaadaan Basaska xaafadaha caasimada u kala baxa, guud ahaan basasku waxa ay jareen oo ay istaagaan waddooyin mihiim u ah faras magaalaha oo culayska yarayn lahaa, goobta basaska la isugu keeni karo ee u baahan in la habeeyo bulshada degana meelo loo raro oo loo dhisaa waa Line-ka bilayska inta ka sii nool.
2. Qaadka suuqa dhex qaadaya ee meel walba kolaygu buux dhaafiyay oo u baahan galbeedka uu ka soo galo in xero qaad cusub oo lagu rago loo sameeyo, kuwa suuqa ku dhex iibinayana in ay kiraystaan makhsino ay ku dhex iibiyaan oo weliba makhsinadaasi noqon sakada wadooyinka ku taala.
3. Sariibadaha aanay dadkii degin ee banaan ee xaafadaha ku yaala in loo raro dadka daadsan suuqa dhexdiisa ee wadooyinka xidhay.
4. Baabuurta u kala gooshta miyiga ee suuqyada ka rakaabsada iyo bagaashlayaasha iyo suuqa huudheedhka ama maryaha cusub ee naasilka ah dhinaca Berri ee magaalada looga sameeyo suuq iyo istaankii ay ka bixi lahaayeen si culayska loo yareeyo deegaan suuqna uga samaysmo.
5. Basaska xaafadaha u kala goosha in loo sameeyo goobo ay istaagaan oo dadku kqga dago iyo kuwa ay ka raacaaan ( bus station) laga sifeeyo basaska meel walba iska istaagaya.
6. Degmo kasta oo caasimada ku taala in ay lahaato cagafyo iyo iska rogooyin wadooyinka xidhma ka hawl gala iyo in xaafad weliba ama degmo kqstaaba ay lahaato gudiyada bilicda si la mid ah gudiyada nabad galyada.
7. In sakadaha xaafadaha loo abaabulo iskaa wax u qabso, dawlada hoosena ay bixiso ciida iyo biyaha oo sakadaha xaafadaha gadhagaxaanta hor taala loo badalo kuwo u dhisan sida mararka si biyaha, dhoogaqada iyo boodhka ay nadiif uga noqdaan.
8. In muddada ugu horaysa la furo biyo mareenadii dabiiciga ahaa ee xidhmay, ka dibna la bilaabo daraasad aqooneed ku qotonta sidii biyo mareeno loo samayn lahaa iyada oo khasaaraha ka imanayana laga fogaanayo.
9. Hargeysa waxa ku yaal dhawr dhaam biyood oo u baahan in laga dhigo meelo beero nasasho oo bilicdana ka taraya wax weyn iyada oo si casri ah loo nashqadeeyo waxaana dhaamamkaas ka mid ah ka boqol jire, Daami iyo Qudhac dheer iyo kuwo duleedka magaaladaba ku yaal, wuxuuna anfacaya in dhalintu hesho meelo ay sawirada iyo nasashaqadaba ku qaataan, dawlada hoosena dakhli iyo bilicba wuu u soo kordhinayaa.
10. Beerta Xoriyada oo ah goob weyn oo taariikh leh isu soo baxyada qarankana anfacda waxa haboon in loo qaabeeyo in laga dhigo goobta baabuurta la dhigo ( Parking Cars) iyada loo nashqadaynayo hab baabuurta la dhigan karo wakhtiyada munaasibaadkana loo isticmaali karayo munaasibadaha qaran si looga faa’iideysto inta badan ee ay banaan tahay wadada wadnahana looga qaado culayska.
11. In daraasad iyadana laga sameeyo sdii xadhkaha laydhka dhulka loo marin lahaa.
12. In dawlada Hoose ay samayso warshado qashinka dib u warshadeeya iyada oo warashadahaasi ay u kala horaysiinayo sida u kala mihiimsan yihiin.
Dhawrkaas qodob waa waxyaabaha ugu daruurisan ee wax weyn ka tari karaya fududaynta shaqada dawlada hoose oo intan ka balaadhan oo ay ku jirto waxbarashada aasaasiga ah, maceeshada, caafimaadka aasaasiga ah, goobaha ciyaaraha iwm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here