Shirkada Hema Books Ayaa wax Lalayaabo Ku Timaamtay Go,aanka Wasiirka Waxbarashada Sheegtay inay sii wadayso Hawshii Ay Qaranka Uhaysay .

0
24

Hargaysa ( Saxilnews.com)-SHIRKADDA HEMA OO WAXBA KAMA JIRAAN KU SHEEGTAY WARKA LA BAAHIYEY EE SHEEGAYA IN DAABACAADA MANHAJKA LAGU WAREEJIYEY MADBACADDA QARANKA.
Waxaynu ku jirnaa maalmo aad u khayr badan oo ah dhammaadkii bisha barakaysan ee Ramadaan iyo Maalmihii farxadda badnaa ee Ciidal Fidriga. Waa maalmihii dembi-dhaafka, oo ku habboon in la farxo oo la is hambalyeeyo, balse way ka fursan wayday in aanu ka jawaabno warka ka soo baxay wasiirka waxbarashada iyo sayniska, kuna samaynno sixitaan ummaddana usoo bandhigno xaqiiqada iyo sida wax u jiraan.

Sanadkii 2016 ayey dowlada Somaliland baahisay in loo baahan yahay shirkado daabaca manhajka, oo maalgeliya. Dhawr shirkadood ayaa codsaday, waxaana kala saarayay guddi wasaaradda ah. Hema Books ayaa ku guulaysatay tartanka, intaas kaddibna waxa la galay heshiis laga diiwaangeliyay haayadaha garsoorka sida xeer-ilaalinta iyo maxkamadda, isla markaana lagu ansixiyey laguna dhaqan-galiyey xeer-madaxweyne. Annaga oo aan taageero dhaqaale ka helin cidna ayaannu maalgelinnay qoraalka, tifaftirka, daabacaadda iyo qaybinta 56 buug oo dugsiyada hoose dhexe lagu dhigto, 40 buug oo dugsiyada sare lagu dhigto, kuwa iskuullada barbaarinta (KG) iyo kuwa madrasadaha quraanka. Buugaagta manaahijtu waa 95 ka mid ah 500 buug oo aannu u daabacnay qaranka iyo ardayda Somaliland.
Shirkadda HEMA iyo dowlada Somaliland waxay ku wada jiraan heshiis sharci oo ku taariikhaysan 29/04/2016 summaddiisuna tahay MOE/HE/01/460-34/16, kaas oo qeexaya dhammaan waajibaadyada dhinacyada sida ku cad nuxurka heshiiska. Ugu dambeyntiina waxaa heshiiskan lagu meel mariyey laguna ansixiyey xeer madaxweyne JSL/M/XERM/249/5011/08/2017. Sidaas darteed, go’aanka wasiirku wuxu ka hor imanayaa heshiiska iyo xeerarka sharci ee kor ku xusan, mana khusayso sharciyan shirkadda HEMA iyo heshiisyada ay kula jirto dowladda Somaliland. Go’aanka Wasiirka Waxbarashadu waxba kama beddeli karo wada-shaqayntii u dhexeysay HEMA iyo xukuumadda Somaliland, maaddaama uu weli sharci dastuuriya yahay heshiiskii HEMA kula jirtay dowladda.
Sida ku cad xeerka lagu ansixiyey heshiiska HEMA, shaqada aanu qaranka u haynnaa waa saddex qaybood oo kala ah: maalgelinta dejinta/samaynta manhajka, daabacaadda iyo iibinta buugta. Arrinka aanu wasaaradda isku haynnay ilaa maalintii wasiirka hadda joogaa yimid, waxay ahayd daabacaadda buugaagta oo ka mid ah shaqooyinka HEMA heshiiska kula jirto dowlada. Wasiirku wuxuu ku doodayaa waxkasta oo aanu qabanno in lagu wareejiyo madbacadda taas oo ay ku jiraan tukaamada aanu buugta ku iibinno. HEMA waxa ay ku doodaysaa in haddii madbacadda la casriyeeyey (waajibkaana fulin karto) ay diyaar u tahay, in ay ka daabacato buugtii ay debedda ku soo daabici jirtay. Laakiin yaa tayada huba!

Sidaas darteed go’aanka wasiirka waxbarashadu ku baahiyey saxaafadda waa sharci darro; maadaama uu ku xad-gudbayo maalgashigii shirkadda HEMA samaysay. Ma jirto cid ama meel lagaga noqday heshiiskii aanu kula jirnay Xukuumadda Somaliland. Arrinkan daabacaadda manhajka ee uu wasiirku maanta ku dhawaaqay, waxa uu xadgudub ku yahay heshiisyadii hore ee aannu wada galnay dawladda Somaliland. Heshiisyada laguma buriyo laab-la-kac iyo warsaxaafadeed. Waxa ay leeyihiin habraac, tallaabooyin iyo heerar kala dambeeya oo sharci.

HEMA BOOKS waxa aannu gudannay waajibkii na saarnaa, waxyaabaha aannu suurtagelinnay waxa ka mid ah:

1. Somaliland waxa ay markii kowaad yeelatay buugaag manhaj ah oo lagu dhigto dugsiga sare 2016kii, waxaana abaabulka, qoraalka, qaabaynta, tifaftirka iyo daabacaaddaba suurtagelisay HEMA BOOKS
2. Waxa aanu gufaynnay gaabiskii keenay in buugaag dalal kale leeyihiin lagu dhigto gudaha dalka.
3. HEMA waxa ay xil iska saartay in tuulo, degmo iyo gobol walba la gaadhsiiyo buugaagta qaranka.
4. Waxa ay Somaliland siisay madax bannaani buuxda oo ay ku daabacdaan buugaagta oo waafaqsan dhaqanka, diinta iyo anshaxa ummadda.
5. Waxa ay dabar u noqotay manhajyada qalaad ee ardayda lagu barbaariyo, isla markaana waxa ay meesha ka saartay in ay Somaliland usoo baxaan ubad xambaarsan fikradaha iyo aqoonta dalalka shisheeye.
6. Waxa ay dhammaystir u ahayd madax bannaanida iyo aqoonsiga Somaliland geeddiga ugu jirto, maadaama manhajku yahay tiirarka lagu aqoonsado dal madax bannaan ee soo raaca calanka, xuduudda iyo lacagta.

Ugu dambayn waxa aanu war-saxaafadeedkan kooban ku soo xidhaynaa qodobbadan:
1. Hema books waxa ay u madax bannaan tahay halka ay ka daabacayso buugaagta manaahijta, ee soo saari karta tayada iyo qiimaha aanu hore dowlada ugu heshiinnay
2. Waxa aannu wasiirka waxbarashada ugu baaqaynnaa in uu ixtiraamo xeerka dalka, heshiiska yaalla laamaha garsoorka ee lagu dhaqangeliyay digreetada madaxweynaha.
3. Waa in ummadda la hor geeyo wax la isku raacsan yahay, oo la saxar-tiray. Waxa aanu ka xunnahay in arrin qabyo ah oo tijaabo iyo hubin ku jirta la horgeeyo ummadda. Waxa la yidhi “Degdeggu door ma dhalo”.
4. Hema books waxa ay gacanta ku haynaysaa waajibaadka saaran illaa muddada uu heshiisku u oggol yahay.
5. Waxa aannu filaynnay in nalagu sharfo kaalinta aannu qaranka u buuxinnay, tallaabada wasiirkuna waa mid aan na qabannin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here