WASAARADDA GAADIIDKA ITOOBIYA IYO SHIRKADDA DP WORLD OO KALA SAXEEXDAY HESHIIS LAGU HORUMARINAYO WADADA BERBERA KOORIDHOOR EE DHINACA ITOOBIYA

0
23

Adisababa (Saxilnews.com)-WASAARADDA GAADIIDKA ITOOBIYA IYO SHIRKADDA DP WORLD OO KALA SAXEEXDAY HESHIIS LAGU HORUMARINAYO WADADA BERBERA KOORIDHOOR EE DHINACA ITOOBIYA

• Heshiiskani wuxu gundhig u noqon doonaa wadahadalada wax-ku-ool ka ah ee lagu horumarinayo wadada Berbera Kooridhoor, korna u qaadi doonta kor u kaca dhaqaale
• Shirkadda DP World iyo La-hawlgalayaasheeduba waxay ku talo jiraan inay ku maalgeliyaan ilaa US$1bn si ay ugu horumariyaan kaabe-yaasha marinka Berbera kooridhoor ee dhinaca Itoobiya
Addis Ababa/Dubai, 06 May 2021: Shirkadda DP World oo hormuud u ah isku gudbinta alaabaha iyo fududeynta, iyo Wasaaradda Gaadiidka ee itoobiya ayaa heshiis kala saxeexday ujeedadiisu tahay horumarinta Wadada isku xidha itoobiya iyo Berbera dhinaca Itoobiya, taas oo noqon doonta Waddo Ganacsi oo Caalami ah.
Heshiiskan oo lagu kala saxeexday maanta magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya ayaa waxa saxeexday Marwo Dagmawit Moges, oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya iyo Sultan Ahmed Bin Suleyman oo ah Gudoomiyaha ahna Maareeyaha Guud ee Shirkadda DP World. Go’aankan oo si wada jir ah loogu gaadhay in la horumarinayo kaabeyaasha fududeynaya isku socodka ganacsiga, dhaqaale weyn oo wax ku ool ahna u noqon doona Itoobiya.
Marka la eego is-fahamka, waxa la soo jeediyay in labada dhinacba la wada aasaaso shirkad-wadaag ah oo fududeysa hawlaha gudbinta alaabaha ganacsiga halka laga soo raro ilaa goobta ugu danbaysa, ujeedaduna tahay marka leego dhoofinta alaabta, Shirkadda DP World waxay fududeyn doontaa dhamaan hawlaha ka yimaadda Itoobiya kuna aadan Dekedda Berbera, Marka ay soo dejinta la eegona, waxa ay fududeyn doontaa dekedda laga soo raray rarka ilaa keenista shixnadaha mid ka mid ah dekedaha qalalan ee dhulka ama halka ugu danbaysa ee laga leeyahay shixnadda.
Shirkadda DP World iyo La-hawlgalayaasheeduba waxa ay ku talo jiraan in ay ku maalgeliyaan ilaa US$1bn tobanka sano ee sococta si loogu horumariyo kaabe-yaasha iskusocodka ee wadada Berbera Kooridhoor, waxaana ka mid noqon doona dhisidda dekedo qalalan (Dry Ports), Keydiye-yaal bakhaarada, goobaha la dhigo koonteenarada, Goobo leh qaboojiye-yaal, goobaha shirkadaha fududeynta. Maalgelinta Kaabe-yaashani waxa ay noqon doonaan kuwa casri ah lana shaqayn doona tiknoolojiadii ugu danbaysay si loo hubiyo habsami u socodka hawlaha, nabadgelyada iyo hufnaanta gudbidda alaabaha ilaa inta ay jidka ku jiraan
Heshiiskani waxa kale oo uu xusayaa in Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya ay dib-u habayn iyo kaabis ku samayn doonto dhamaan waxyaabihii culayska ku keenayay alaabaha ka yimaadda Berbera kuna wajahan dhinaca Itoobiya, Wax ka bedelkaas oo lagu salayn doono u diyaar garawga tartanadda ganacsi ee shirkadaha, taas oo u sahli doonta in uu isticmaali karo qofkastaa.
Iyadoo ka hadlaysa Munaasibada lagu kala saxeexanayay heshiiska Marwo. Dagmawit Moges, Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya, Ayaa waxay tidhi “Maanta waxa aynu ku talaabsanay jidka horumarka iyo barwaaqada, ujeedkiisuna yahay in Itoobiya noqoto wadan ka horumarsan kana tilmaaman Africa, Isbededka shirkadaha gudbinta alaabaha ganacsiga ayaa inoo horseedaya in aan ka qaadano door muhiim ah. Itoobiya waxay hiigsanaysaa inay horumariso marinadeeda si ay u hesho adeegyo kala duwan oo ganacsi: Isticmaalidda jidka Berbera Kooridhoor wuxu kor u qaadi doonaa ganacsiga Itoobiya, iyo Inaan alaabteena ganacsi gaadhsiino suuqyada adduunka. Horumarinta jidkani keliya koru ma qaadi doono ganacsiga aduunka ee Itoobiya balse waxa ale oo uu kor u qaadi doonaa ganacsiga ka dhex socda wadankeena”
Sultan Ahmed Bin Sulayem, Gudoomiya ahna Maamula Guud ee Shirkadda DP World, ayaa wuxu yidhi: “ DP World waxa ay tahay shirkadda hogaaminaysa gudbinta alaabaha iyo fududeynta hawlaha, Waxa aan rumaysanahay in horumarinta Jidka Berbera kooridhoor uu ka noqon doono jid weyn oo ganacsi balaadhani dhex maro kaas oo fure u noqon doona kor u qaadida dhaqalaha Itoobiya, iyo qorshe-yaasheeda horumarineedba. Waxay abuuri doontaa shaqooyin cusub, ganacsiyo cusub iyo in wadanku helo howl fududeynta toos ah oo ganacsigiisu ku gaadhi karo aduunka intiisa kale, wuxuna noqon doonaa xidhiidh isku duuban oo isku xidha Itoobiya iyo Dekedda Berbera.”
Dhiska wadada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale ee ah xadka Itoobiya waxa maalgelisay Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi iyo Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID) oo gebogebo ah ayaa la rajaynayaa inuu dhamaado dhamaadka sanadkan 2021. Jidkani wuxu isku xidhi doonaa wadadii casriga ahayd ee dhinaca Itoobiya waxana uu jidka Berbera ka dhigi doona mid fure u ah ganacsiga gobolka waxana uu noqon doonaa mid ka mid ah kuwa ugu degdega badan ee ka gudbinta alaabaha Itoobiya.
Shirkadda DP World waxa ka go’an inay ku maalgeliso lacag dhan US$442 million horumarinta iyo balaadhinta dekedda Berbera, kaas oo wejigii koowaad gebogebo yahay. Shaqooyin kale oo badanina hada ka socdaan oo ay ka mid tahay balaadhinta goobta maraakiibta oo ay gaadhsiiso 1000 mitir. Kaas oo kordhin doona awooda dekedda Berberi u leedahay inay gaadhsiiso laba milyan oo koonteenar sanadkii, kaa soo ay u shaqaynayaan 10 wiish oo casri ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here