Siyaasadii Waa Lagu Kala Adkaaday! Waxa Qoray Maxamed Maxamuud Mascade

0
23
Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan gudo iyo dibadba waxaa la la yaabay maalinta taariikhiga ah ee militariga Soomaaliyeed, halkii ay ka ahaan laheyd maalin la xuso waxqabadka ciidabada Soomaaliyeed ayaa waxaa dhacay arrin aan laga fiirsan oo taariikhda muddo dheer ku xusnaan doonta. Baarlamaaka waqtigiisu dhamaaday ayaa si ula kac ah waxuu u baalmaray qawaantii dalka u yiilay oo sameeyay mudo kordhin aan qaanuunku u ogoleyn madaxweynaha xilkiisu dhamaaday iyo baarlamaanka xilkiisu dhamaaday leftirkiisa.
Maalinta wixii ka dambeeyay waxay Soomaaliya gacta saartay wado laga yaabo in ay dalka ku celiso fowdo, mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya intii lugta ku laheyd oo taloxumadaas falkisay. Maxaa yeele, Baarlamaanka Soomaalidu waxaa uu ka kooban yahay labo garab, mid kaligii go’aan noocaas ah gaari kara majiro ama meel marin kara, xataa haddii la adeegsado cudud ciidan. Waxaa cad in shacabka Soomaaliyeed magacooda uusan ku hadli karin baarlamaan waqtigiisu dhamaaday iyo madaxweyne xilkiisu dhamaaday toona, maadaama ay diideen in ay u hogaansamaan qaanuunkii lagu heshiiyay oo ay wax ku ahaayeen ee lagu soo doortay.
Shacabka Soomaaliyeed magaciisa waxaa ku hadli kara oo kaliya hay’addo loo aqoonsan yahay oo loo igmaday in ay awood u lee yihiin in ay shacabka Soomaaliyeed matalaan. Laakiin mar haddii waqtigaagu dhamaado oo aysan jirin nidaam iyo anshax lagu ilaalinayo ama lagu xakameeyo khaladka, oo aad diido in uu qaanuunku shaqeeyo, markaa waxaa dhacceysa in mujtamaca Soomaaliyeed ay dib isugu noqdaan si loo helo hay’ado qaanuuni ah oo danta guud lagu aamini karo. (Marnama yaan lagu hungoobin, Arrimah wax ay ka gali karaan ma jirto shaqsiyaadka lagu eedeeyo in ay buburiyeen dowladni- madda Soomaaliya.)
Dad badan oo wax garad ah oo ka tirsan bulshada rayidka ayaa ka hadlay in aan loo baahneyn in dalkan la galiyo rabshado iyo dagaal sokeeye, taa macnaheedu ma aha in koox yar oo aan bulshadda Soomaaliyeed sameyn culus ku laheyn in ay wax boobi karaan ama cabsi galin karaan cid walba, si awood dalka ay ugu soo ururto gacan kooban. Farmaajo iyo ragga la shaqeeya yeeysan ku khaldamin, in ay isa siiyaan mansab uusan qanuunku siin. Waa in laga feejignaadaa in taa aysan dhaceyn, aysan dhici karinna , waxayna horseedeysaa in uu xarig jiidkii siyaasadda si degdeg ah uga baxay madaxweynaha xilkiisu dhamaado iyo taageerayaashiisa.
Gobolka Banaadir oo ay ku taalo caasumadda oo fadhi u ah xukuumadda Federaalka ayaa nidaamkeedii amaanku waxaa muuqata in uusan ku jirin gacanta dowladda dhex ee xilka kororsatay, waayo wixii xalay dhacay ma la isdiidsiin karo in la fahmo in qaanuun lagu wada joogay. Waxaa diqonimo ah in la fahmi waayo haddii la diido qaanuunka in ay soo baxayaan awoodo kale oo aan raali ka aheyn sida wax u socdaa. Marka waxaa la rabaa in madaxwynaha xilkiisu dhamaaday iyo baarlamaanka xilkiisu dhamaaday oo ay hurdada ka kacaan oo ay arkaan miraha ka dhashay talo xumadooda.
Fariimaha ka soo baxaya beesha caalamka ayaa waxaa ka muuqata in dowladda dhexe laga sugayo hol aysan awood u laheyn in ay meel mariso. Hadda meel laga noqon karo ma joogto, Farmaajovwaa in uu iscasilaa, haddii uu diido. Ha ogaado in mucaarasku u heystaan in uu yahay qabqable dagaal. Taan macnaheeda dadka reer Muqdisha waa taqaanaan, laakiin Farmaajo iyo taagarayaashiisa waxaa laga rabaa kartidii looga dabaalan lahaa. Qabyaalad magaaladan ma aqoon markii shalay lagu dooranayay, laakiin hadda dad badan ayaa waxay ku eedeynayaan Farmaajo in uu qabyaalad la yimid.
Dadka Soomasliyeed waa ay il baxeen sidii hore ma aha, qof walbana waxaa waajib ka saaran yahay in uu dastuurka akhristo. Dadka intiisa badan waa yaqaanaa awoodaha dastuuriga ah oo ay hay’adaha dowliga ah lee yihiin. Laakiin waxaa nasiib daro ah, in dadkii qurbaha ka yimid ee loo tirinayay in ay dimuquraadiyad wax ka fahansan yihiin iyo baarlamaankii ay aheyd in uu ilaaliyo aqaanuuka inta caqli iyo xoog isbideen in ay dumiyaan nidaamkii dowladnimada Soomaaliya. Farmaajo iyo ragga taageersan dhibka ay abuureen ma xalin karaan, ee waxaa loo baahan yahay in ay garwaaqsadaan khaladkooda.
Fariimaha ka soo baxaya beesha caalamka ayaa waxaa ka muuqata in dowladda dhexe laga sugayo howl aysan awood u laheyn in ay meel mariso… mana shirin karto madaxda goboladda, ma sugi karto amniga dalka, mana qaban kari doorasho nabad iyo xalaal ah. Sidaas iyo si la mid ah ma kororsan karto waqtiga, waxay sameeyeena ma fahmi karaan macnahooda, gaar ahaan gudoomiyaha Aqalka Hoose iyo Farmaajo. Intaa waxaa dheer in xukuumadu aysan awood iyo xoog wax ku meel marin karin, haddii ay isku daydana lagu gaari karin hadafka Farmaajo iyo taageera- yashiisu ay ku riyoonayaan.
Siyaasadda Soomaaliya waa lagu kala adkaaday, nabad iyo nolol ayaa dhexdeeda laga shaqeysanayaa oo la kala furfuray. Xalay saraakiishii nabad iyo nolol ayaa isu baxsanayay. Marka maxaa moodaa haddii mucaaradku ay soo galaan saaxadda… haddaba maxaa la gudboon dadka dowladnimadda Soomaaliya ku ciyaaraya oo uu Farmaajo dhiirogslinayo in ay joojiyaan talo xumadda oo garwaaqsadaan inta goori goor tahay in siyaasadda iyo cudud ciidan looga adkaanayo, haddii ay maqli waayaan talooyinka wax ku oolka ah oo ay ka mid tahay wadahal wax ka fiican ma jiraan haddii xitaa aan wax lagu heli karin.
Ogow, xoog waxaad ku weysid, siyaasad kuma heli kartid. Inta goori goor tahay oo garoonka diyaaradaha iyo dekadu xirmin xal siyaasadeed ha la raadiyo, haddii kale waxa la mudanayaa natiijadii kaligii taliye Siyaad uu mutaystay. Cid kasta oo la talineysayba ama taageereysa, waxaa cad in farmaajo ay u dhamaaday, ugana dhamaatay siyaasadda Soomaaliyeed, xoog, xeel, cabsi galin intaba wax ku heli maayo ee lafihiisa ha kala cararo gobolka Banaadir.
( Qoraagu waxuu akhriyay booggii qalin jabinta Farmaajo, waxaa uu dhageystay wareysiyaal badan oo uu farmaajo lala yeeshay, waxaa uu la kulmay dad badan oo bulshada miisaan ku leh oo la kulmay madaxweynaha xilkiisu dhamaaday, waxaa uu dhageystay wareesoyo badan oo lala yeeshay dad faraajo ay howl isku qabteen iyo khudbado badan…
Waxayna la tahay qoraaga in Farmaajo waqtigiisii dhamaaday, haddii uu og yahay iyo haddii kaleba. Siyaasadu macnaheedu waxaa waaye maareenta arrimaha bulshada. Dad aqoon iyo xirfad u leh siyaasadda ayeey is hayaan.. .
Waxaana muuqata in la marin habaabiyay oo laga dhaadhiciyay wax aan jirin, rag isaga ku dhow ayaa mucaaradka la heysta…Farmaajo waqtigiisa oo dhan waxaa uu ku lumiyay dad aan bulshada Soomaaliyeed waxba ka galin oo khabiiro isaga dhigay, hadduuna runta arkayaa markii uu taladooda ku hungoobay, iyana ay bilaabeen in ay ergo u dirsadaan mucaaradka, si ay isu badbaadiyaan.)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here