BERBERA (Saxilnews.com)-Taliyaha saldhiga kowaad ee Ciidanka ilaalada xeebaha jsl ee Gobolka Saaxil, Berbera Haruun Sciid Cali waa shakhsi hawlkarnimo iyo adayg isku darsaday waxaan jeclaystay inkastoo aanay ragga amaantu u fiicnayn hadna qofku markuu wax wanaagsan qabto waa lagu amaana waana lagu tageera waxaan jeclaystay inaan wax yar shakhsiyadiisa iyo shaqada uu qaranka u hayo aan ka iftiimiyo anoon halkan kusoo koobi karin.
Taliye Haaruun Siciid cali waxaa uu hada saldhiga joogay mudo kooban oo ku dhow sadex sano waxaa xerada ciidanka uu ka qabtay waxyaabo aanan qoraal iyo hadal lagu koobi karin laakiin ay kaaga filan tahay oo kaliya inay ciidanka baddu ay yihiin kuwo isku filan hadii ay tahay dhanka ciidanimo iyo dhanka mamulba waxay dhisteen Guryo iyo xafiisyo ay ku dhisteen iskaa wax uqabso , ama mushsharka iyo gunada yar ee ay qataan bishii waxay sidoo kale dhiseen goobaha dufaaca ciidanka ee dhanka badda , waxay dhiseen haabada doonyaha ciidanka , waxay dhiseen dayrarka xerada ciidanka , waxay dhiseen doonyo casri ah oo dheeraya , waxay dhiseen goobaha tababarka iyo dabaaldega ciidanka ee munaasabadaha qaranka /iyo dabaaldega ciidanka .
Shakhsiyan waa hogaamiye ruuxiya oo hantay qalbiyada ciidanka uu maamule ee heer gobol , waxay dhiseen oo uu ka shaqaysiiyey intuu uu joogay doonyaha dufaaca badda oo ay qaarkood mudo ku siman 10 sano dayacnaayeen , waxay wakhtigan dhamaantood ku jiraan badda oo ay dufaac kaga jiraan , waxaa uu sameeyey hoosada dayactirka gaadiidka badda ee magaalada Berbera iyo farsamo yaqaano ka hawlgala dhanka badda ( nautical reengineering) ama khabiirada qalabka iyo hubka ciidanka , waxaa hirgeiyey adeega isgaadhsiinta ciidanka ee dhinaca badda raadalada iyo hagaha cabirka badda iyo dhamaan qalabka suurgelinaya amniga badda oo si toos ah loola socon karo xaalada Badda ee wakhti kasta .
Waxaa kor uqaaday shaqada ciidanka iyo cududa ciidaka dufaaca xeebaha waxay si xoog leh uga hawlgalaan goob kala gedisan gudaha magaalada , ciidanka qaarkood waxay dufaac adag kaga jiraan xeebaha dalka si ay uga dufaacan cid kasta oo kusoo xadgubta biyaha Badda ee magaalo xeebeda Berbera iyo guud ahaanba maraakiibta iyo doonyaha hantida iyo badeecadaha usida dalka jsl oo kamid ah wadamada afrika ee uu yimaado ganacsiyada ugu badan ee bariga afrika iyadoo dekeda Berbera ka dagaan badeecadaha dalalka itoobiya iyo Suudaan iyo Somaliya .
Astaamaha u gaarka ah ee taliye haaruun waxaa uu kamid yahay ciidankiisa oo aad marar qaar ku khaldaysaa waa shakhsi aan isla waynayn balse la duruuf iyo dareen ah ciidankiisa oo hada iyo jeer ku dhex jira wax la cuna lafadhiya la tashada .
Taliye waxaa uu dhawr jeer fuliyey hawlgalo culus oo ahaa kuwo lagu sugaayo xadka biyaha dalka ee aynu la wadaagno xeebaha yemen , jabuuti iyo Somaliya kuwaasi oo ay kusoo qabqabteen doonyo iyo dad sharci daro kusoo galay biyaha badda dalka .
Taliye haruun waxaa uu bedelay dhaqankii hore ciidanka waxaa uu dhiig cuusb ku shubay ciidanka oo aan hadh iyo habeen u taagan shaqooyinka dhismaha iyo daryeelida isugu jira ee xerada ka dhex socda .
Waxaa sameeyey mudada uu joogay taariikh cusub oo aan hore loo samayn waana mid ay dhaxalkeeda u aayidoonaan jiilka iyo dayarta soo socota , waxayna manta xerada ciidanka Berbera oo waayadii hore la garanayo sidii ay ahayd manta u eegtahay talisyada caalamka mar aad aragto qalabka iyo ciidanka badda si ay u jabsan yihiin iyo waliba masuuliyada ka muuqta .
Waxaan dhawaan idin tusi doona waxyaabaha uu qabtay oo muuqda , waxaan ogahay ma jecla in la faaniyo ama la buunbuuniyo balse waa dirane ku foogan shaqadiisa oo kaliya , taasina waxay keentay inay guud ahaanba shaqada qaranku dhaqaaqdo oo ay soo baxaan ciidan jabsan oo nadiif markasta diyaar u ah dufaaca biyaha iyo bariga jsl .
waxay manta u muuqdaan ciidanka ilaalada xeebaha jsl gaar ahaana saldhiga kowaad ee Gobolka saaxil inay yihiin kuwo qaranku shaqadooda ku aamini karo marka loo eego dhanka hubka iyo ciidanka.
maraakiibta dagalka iyo doonyaha dheeraya ee ciidanka ayaa hadh iyo habeen gaaf wareega biyaha badda kuwaasi oo feejigni dheerad ah kaga jira sugida aminga badda gaar ahaana la dagaalka budhcad badeeda , iyo kaluunka sharci darada ah .
Lasoco qaybaha danbe .
WWW.Saxilnews.com