Coronavirus: Baaritaan lagu ogaaday in suuqa-madow lagu kala iibsado tallaalka Covid-19!

0
20
.

Sida lagu ogaaday baaritaan cusub, tallaalka, warqadda baasabooradda u ah iyo waraaqaha baaritaanka COVID-19 ee been abuurka ah ee muujinaya in qofka laga waayay xanuunka, waxaa lagu kala iibsadaa suuqa madow.

Qiimaha lagu kala iibsado talaallada AstraZeneca, Sputnik, Sinopharm ama Johnson & Johnson ayaa u dhaxeeya 500 illaa 750 doolar.

Waraaqaha been abuurka ah ee muujinaya in qofka uu qaatay tallaalka, waxaa lagu iibiyaa qiyaas ahaan $150 doolar. Ganacsigaan waxaa dhaqaale badan ka sameeya ganacsato daahsoon.

Baaryaasha ayaa sheegay inay arkeen sare u kac ku yimid xayeesimaha dhanka online-ka ah ee tallaalka suuqa madow, halka ay BBC-da u suuro geli weysay inay xaqiijiso in tallaalka uu yahay mid sax ah.

Shabakadda suuqa madow waa qeyb ka mid ah internet-ka taasi oo loo isticmaali karo keliya qalab gaar ah.

.

Baarayaasha shirkadda dhanka amniga internet-ka ee Check Point ayaa la socday shirkadaha burcadda ah iyo suuqyada kale, tan iyo bishii Janaayo, oo ah markii ay bilowdeen xayeesimaha tallaalka.

Waxay sheegeen in tirada xayeesimaha ay arkeen xilligaasi ay seddex jibaarmeen ayna gaareen in ka badan 1,200.

Kuwa iibiya tallaalka ayaa u muuqdo in ay ka soo jeedaan Mareykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo Ruushka.

Kooxda ayaa ogaatay in qoraallada xayeesinta loo adeegsaday luuqadaha Ingiriiska iyo Ruushka.

Mid ka mid ah iibiyeyaasha ayaa xayeesinaya in maalinta xigtaba uu keeni karo dalabka: Waxa kaloo uu qoray: Farriin reeb haddii aad dooneyso in si deg -deg ah ama habeen gudihii lagugu keeno tallaalka.

‘Mid iibso oo hel mid kale oo bilaash ah’

Xayaysiis kale oo ku saabsan barxad jabsiga ayaa bixiya tijaabooyin been abuur ah waxaana ku qoran: “Waxaan sameynaa tijaabooyin xun oo Covid ah, oo loogu talagalay dadka safarka ah ee dibedda jooga, si ay shaqo u helaan iwm. Iibso labo baaritaan oo kan saddexaadna bilaash ku hel!”

Xayeesin kale waxay sheegeysaa in ay sameynayso warqadaha lagu raaco diyaaradaha ama warqad caddeyneysa qofka in uu tallaal qaatay.

.

Qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha dalxiisyada ama fasaxyada loo tago, waxay u baahan yihiin shahaadooyinka tallaalka.

Nidaamka baasaboorka tallaalka ayaa sidoo kale laga tixgelinayaa Boqortooyada UK, waxaana loo isticmaali karaa in loogu oggolaado martida inay galaan meelaha ay ka mid yihiin baararka, ama garoomada ciyaaraha.

Saraakiisha yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorshayaal dadka u oggolaanaya in qofka qaatay tallaalka Covid ama dhowaan ka soo bogsadey fayraska, inuu ku dhex safro Midowga Yurub.

Marka maaha wax lala yaabo in dukumiintiyo been abuur ah lagu soo bandhigo oo la kala iibiyo.

Baarayaasha Check Point waxay heleen dad badan oo iibiyayaal ah oo bixiya dukumiintiyo been abuur ah, oo ay ku jiraan mid loo maleynayo inuu ka yimid UK oo wata kaarka tallaalka, waxaana la iibinayayaa $ 150 iyadoo la adeegsanayo habka lacagta ‘Bitcoin’.

Markii ay la xiriireen qofkii iibinayay, kooxda waxaa loo sheegay in ay u baahan yihiin oo kaliya in ay sheegaan magacyadooda iyo taariikhaha qaarkood, markii ay been abuurka sameeyan.

Qofka iibinaya ayaa farriin u diray wuxuuna yiri: “Uma baahnid in aad ka walwasho, waa shaqadeena…. Waxaan sidan ku sameynay dad badan wax dhibaata ahna nagama soo gaarin.”

Oded Vanunu, madaxa cilmibaarista Check Point ayaa yiri: “Waa lama huraan in dadku fahmaan in isku dayga lagu helayo tallaal, kaarka tallaalka ama natiijada baaritaanka been ah, iyadoo loo marayo qaab aan rasmi ahayn, ay tahay mid aad khatar u ah, maadaama dadka wax jabsada ay aad u xiiseynayaan lacagtaada, macluumaadkaaga iyo aqoonsigaaga, si looga faa’iideysto. “

Mr Vanunu ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in kooxdiisu ay iibsadeen tallaalka Sinopharm oo ay ku iibsadeen $750 oo doollar, taasi oo qayb ka ah cilmi-baaristooda, laakiin aysan weli helin.

Kooxdiisa ayaa BBC-da u sheegtay in ay aaminsanyihiin in qofkii ay ka iibsanayeen uu ahaa mid khiyaano badan, laakiin waxay sheegeen in kuwa kale laga yaabo in aysan iibinaynin tallaallada dhabta ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here