BERBERA (Saxilnews.com)-
Maamulka dalwada hoose ee degmada Berbera ayaa saaka ka sheegay shirka gudida farsamo ee mashruuca horumarinta degmada Berbera inay hirgelinayaan afar mashruuc oo culus kuwaasi oo kala ah
1. Mashruuca Hormarinta Xeebta Dalxiiska Batalaale (Beach Resort Development).
2. Geerashka Gaadiidka Xamuulka (Truck Parking).
3. Wadada Tagaysa Godka Cusub ee qashinka magaalada Berbera.
4. Beerta nashada Berbera (Berbera Public Park).
Mashariicda waxa laga fulinayaa Mashruuca Hormarinta Berbera oo ay maalgalinayso Midawga Yurub isla markaana ay fulinayso Haayada UH-HABITAT”.
Maayarka Degmeda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan
ayaa sidaasi saxaafada usheegay maruu ka hadlayey shirkaasi gudida oo ka furmay gudaha magaalada Berbera .
saxilnews.com
Berbera ,somaliland