John Magufuli: Waa kuma Madaxweynihii ‘baaldoosarka’ ee Tanzania

0
16

TANSAANIA (Saxilnews.com)-John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii diidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad.

Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray “baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta.

Madaxweyne ahaan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay ugaarsiga mucaaradka iyo xaddidadda xorriyadaha qaar, balse kaddib geeridiisa waxaa aad loogu xusuusan doonaa sida isaga u gaarka ahayd ee uu u wajahay Covid-19.

‘sheydaankuba waa Coronavirus’

Markii Covid-19 uu gaaray Tanzania, Madaxweyne Magufuli uma cuntamin inay dadku guryaha joogaan. Wuxuu doonayay inay aadaan masaajidda iyo kaniisadaha.

“Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma badbaadi karo dhiigga Christ… durba wuu gubanayaa,” Magufuli, oo ahaa Kirishtaan, ayaa erayadaasi kaga dhawaaqay kaniisad ku taalla Dodoma.

A woman reacts as a customer enters a steam inhalation booth in Dar es Salaam, Tanzania, on May 22, 2020
Markii dhan laga eego, Magufuli wuxuu u ololeeyay daaweyn dhaqameedka sida is uuminta si loola dagaallamo coronavirus

Tan iyo June 2020, markii uu ku dhawaaqay in dalkaasi uu xor ka yahay “Covid-19”, madaxweynaha, iyo saraakiil sare oo kale oo dowladda ka tirsan, ayaa ku maadeystay waxtarka af-saabka, waxayna sidoo kale dacaayadeeyeen dalalka deriska ee soo rogay tallaabooyinka caafimaad ee lagula dagaallamayo fayraska.

Baaritaanno yar ayaa laga sameeyay Tanzania wax qorshooyin ahna looma diyaarin barnaamijka tallaalka.

Balse markii loo dhaariyay madaxtinnimada bishii October 2015, Magufuli wuxuu u muuqday nooca qofka ay Tanzania u baahneyd – hoggaamiye karti leh, oo aan la laaluushi karin.

‘Baaldoosar’ oo shaqada bilaabay

Ficilladiisa natiijada ku saleysnaa waxaa sidoo kale loo arkay kuwo lagu dabiqi karo dalalka kale ee Afrika – waxay ahaayeen kuwo ay u baahneyd qaaradda si ay ula tacaasho arrimaheeda dowladnimada.

Maalintii ugu horreysay madaxtinnimadiisa, wuxuu diray farriin adag oo uu ku sheegay inuusan u dulqaadan doonin maqnaanshaha shaqaalaha hay’adaha dowladda, markii uu booqday xafiisyada wasaaradda dhaqaalaha, isaga oo su’aalay halka ay ku maqan yihiin kuwii aan markaas shaqada joogin.

Wuxuu sidoo kale liiska lacag bixinta ka saaray shaqaalaha aan jirin ee mushaarka iska qaata, wuxuu sidoo kale shaqada ka tiray saraakiil loo arkay inay musuqmaasuq ku lug lahaayeen amaba aan waxqabad lahayn. Mararka qaar waxaa arrimahan si toos ah looga soo deyn jiray telefishinnada.

Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray waxa uu u arkayay kharashka ku baxa tamashleyn ka badbadis ah, isaga oo qaadacay dabaaldegyada Maalinta Xorriyadda markii ugu horreysay muddo 54 maalmood ah, wuxuu amray nadiifin guud ahaan dalkaas laga sameeyay, isaga oo gacmihiisa ku gurayay khashin yaallay bannaanka Madaxtooyada.

John Magufuli
Qoraalka sawirka,
Magufuli oo ka qeyb qaadanaya olole nadiifin ah

Wuxuu sidoo kale dhammaan safarrada dibadda ka mamnuucay shaqaalaha dowladda.

Sanadkii ugu horreeyay ee madaxtinnimada Magufuli, hannaankan wuxuu u soo jiiday ammaan baaxad leh, taas oo horseedday in barta Twitter-ka laga bilaabo hal-ku-dhigga ah : #WhatWouldMagufuliDo (Waxa uu Magufuli sameyn lahaa).

Inkastoo qoraallada qaar ay ahaayeen kuwo lagu maadeysanayo siyaasadaha adag ee madaxweynaha – tusaale ahaan: “Waxaan soo iibsan rabay foorno haddana waxaan is weydiiyay #WhatWouldMagufuliDo” iyada oo qoraalkaas la raaciyay digsi la dul saaray shumacyo – qaar kale ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaal kale oo Afrika ka soo jeeda ay ku daydaan hannaankiisa hoggaamineed.

Sanadkii 2017, bare jaamacadeed oo Kenya u dhashay ayaa ku baaqay in Afrika “La Magufuliyeeyo” xilli uu khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Dar es Salaam.

Balse, sidoo kale way caddeyd in hoggaankiisa uu lahaa dhinac kale oo madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here