Amerikaanka Laga Tallaalay Corona Oo Laga Khafiifiyay Xayiraadaha

0
16

Washiton (Saxilnews.com)-Xaruunta xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka tallaalka sida buuxda u qaatay ee dalkaas ay dib ugu laaban karaan xaaladoodii caadiga aheyd.

Kuwa qaatay tallaallada loo baahan yahay waxay booqan karaan dadka kale ee la tallaalay iyo dadka aan tallaalin qaarkood, sida ku cad tilmaamaha cusub ee la soo saaray.

Ku dhawaad 30 milyan oo shacabka Mareykanka ayaa si buuxda loo tallaalay. Saraakiisha caafimaadka ayaa qorshahaan cusub kaga dhawaaqay aqalka cad e Mareykanka, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddiga loo xil saaray wax ka qabashada feyraska Corona.

Tallooyinka lasoo jeediyay ayaa dhigaya.

• In dadka la tallaalo ay ku kulmi karaan gudaha guryaha balse ay kulmi karaan oo keliya dadka sida buuxda loo tallaalay iyagoon aan xirneyn walxaha wajiga lagu xirto ee Maska loo yaqaanno ama aanan kala fogaanin.

• In dadka la tallaalay iyo kuwa aan la tallaalin ee hal meel ku wada nool ay kulmi karaan haddii aanay khatar weyn kala kulmeynin xanuunka Corona.

• In dadka la tallaalay ay ka baaqsan karaan karantiilka ama baaritaanka feyraska haddii ay isaga shakiyaan xanuunka

“Waxaan bilawnay in aynu suureyno sida dunida ay noqon karto maadaama aynu kasii gudbeyno marxaladda xanuunka Corona,” sidaas waxaa yiri latalliye sare Andy Slavitt.

.

Dadka la tallaalo ayay khubarada caafimaadka ku taliyeen in wali ay tahay inay u hoggaansamaan shuruucda xakameynta feyraska marka ay ku sugan yihiin goobaha dadweynaha, ayna ka dhowrsadaan isu imaatinka dadweynaha ama safarada.

Guddigan ayaa sii xoojiyay tallaabooyinkii hore ee ahaa in dadka aanan la tallaalinay u hogaansamana shuruucdii horay loo dhaqan geliyay oo ay kamid yihiin xirashada af-daboolka iyo inay kala fogaadaan.

Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe dadaal galisay tallaalka oo waxaa guud ahaan dalka Mareykanka la qeybiyay 90 milyan oo tallaal ah, kuwaas oo qeybna la adeegsaday, qeybkalena ay harsan tahay.

Ansixiinta tallaalka cusub ee Johnson & Johnson ayaa la aaminsan yahay inay xoojisay dadaallada loogu jiro in la helo tallaal dheeraad ah.

Khubarada caafimaadka ayaa sheegay in inkastoo la helay tallaal, haddana khatarta feyraska ay wali taagan tahay.

Ku dhawaad 90 boqolkiiba shacabka Mareykanka ilaa iyo hadda lama tallaalin sida uu sheega agaasimaha xarrunta kahortagga cudurrada faafa ee CDC, Dr Rochelle Walensky.

“Mas’uuliyadeenu waxay tahay in aynu xaqiijino in halka uu cudurka uu haleelo maalinta 60 kun, aynu badbaadino kuwa ugu nugul”, ayuu yiri Rochelle.

Dad gaaraya 29 milyan oo Amerikaan ah ayuu cudurka ku dhacay, waxaana taas ay keentay inay u dhintaan 525 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here