Xukuumadda Itoobiya: “Xor baan u nahay arimaheenna gudaha”

0
24
Xooggaga Tigray

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay tacaddiyada iyo xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalkiisa uu xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay soo afjarto colaadda ka taagan gobolkaas.

“Waxaan si weyn u cambaareyneynaa dilalka, barakacinta, xadgudubyada galmada iyo tacaddiya kale ee ay dhinacyada geysanayaan isla markaana ay ka warrameen dhowr hay’adood,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa sheegtay inay xoogga saareyso wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Tigray, isla markaana ay hay’adaha caalamiga ah kala shaqeyneyso sidii loo gaari lahaa dadka gobolkaas.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ku talisay in si degdeg ah gobolkaas looga saaro ciidamo ay sheegtay inay ka yimaadeen Eritrea iyo deegaanka Amxaarada ee deriska la ah Tigray.

“In si degdeg ah ciidamada Eritrea iyo kuwa gobolka Amxaarada looga saaro Tigray ayaa ah tallaabada koobaad ee muhiimka ah. Waa inay xigto xabbad-joojin ay dhaqangelinayaan dhammaan dhinacyada iyo in gargaarka si shuruud la’aan ah loo gaarsiiyo shacabka Tigray,” ayuu sheegay Maraykanka.

Biden
Qoraalka sawirka,Maamulka Biden ayaa ka walaacsan xaaladda Itoobiya

Falcelinta Itoobiya

Xukuumadda Addis Ababa oo ka jawaabeysa hadalka xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ka gungaaridda tacaddiyada laga soo sheegay gobolka Tigray.

Waxaa se ay sheegtay in Maraykanka uu u muuqdo mid faragelinaya arimaha gudaha ee Itoobiya, taasina ay tahay wax laga xumaado.

“Isku-dayga uu Maraykanka uga hadlayo arimaha gudaha ee Itoobiya, gaar ahaan xooggaga gobolka Amxaarada ee lagu sheegay war saxaafadeedka ayaa ah wax laga xumaado,” ayay sheegtay xukuumadda Addis Ababa.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa intaa raacisay in Itoobiya ay xaq u leedahay goobta ay geyneyso ciidamadeeda si loo xaqiijiyo sharciga iyo kala dambeynta gudaha dalkaas.

Hay’ado ay kamid yihiin kuwa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in bilihii dambe ay kordheen wararka sheegaya in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.

,
Qoraalka sawirka,,

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa 4-tii Nofember 2020 weerar cirka iyo dhulka ah ku qaaday gobolka Tigray si uu meesha uga saaro xisbiga TPLF ee hogaanka u hayay dalkaas muddo 27 sano ah.

Duulaanka ka hor xooggaga TPLF ayaa weeraray oo qabsaday saldhig milateriga Itoobiya uu ku leeyahay gobolka Tigray.

Abiy ayaa sheegay in lagu guulaystay duulaanka Tigray kadib markii uu bil socday, balse hogaanka TPLF oo hadda baxsad ah ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadeyn ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here