Garsoore Caan Ah Oo Ku Ceeboobay Kulan Premier League Ah Maanta & Ciyaartoyda Oo Ku Dhex Aflagaadeeyay Garoonka Dhexdiisa

0
27
Brighton's Pascal Gross, left, argues with referee Lee Mason during the English Premier League soccer match between West Bromwich Albion and Brighton and Hove Albion at the Hawthorns, West Bromwich, England, Saturday, Feb. 27, 2021. (Peter Powell/Pool via AP)

Isku dhexyaac ku dhacay garsoore ayaa jahwareer ku riday ciyaartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaasha iyadoo West Brom ay maanta la ciyaareysay Brighton ka dib markii laad xor ah uu la dhigay Brighton oo uu durbadiiba shabaqa dhex dhigay Lewin Dunk.

Si kastaba, garsoore Lee Mason ayaa diiday goolka iyadoo ciyaartoyda Brighton ay bilaabeen inay dabaaldegaan, Lewis Dunk ayaa u sheegay garsooraha inuu yeeriyay seerigiisa ka hor inta uusan tuurin laadka xorta ah taasoo keentay in garsoore Lee Mason uu ka laabto go’aankiisa hore isagoo ogolaaday goolka.

Ka dib VAR ayaa hubisay dhacdada oo ogaatay in garsooraha uu seeriga yeeriyay xilli ay kubada shabaqa ku sii socotay islamarkaana uusan goolka sax aheyn oo ay tahay in laadka xorta ah lagu soo celiyo.

Waxaa yaab laheyd in Lee Mason uu xusuusan waayo inuu seeriga yeeriyay iyo in kale ka hro inta uusan Lewis Dunk laadka xorta ah tuurin, isagoo xitaa aaday shaashada dhinac taala garoonka si uu u hubiyo wixii uu sameeyay daqiiqad ka hor.

Waxay taasi keentay in ciyaartoyda Brighton ay aflagaadeeyaan garsooraha iyagoo ku qeylinayay “Sharafta ayaa ka dhacday f*cking-yahow” “Ceeb ayaa kugu hogatay f*cking-yahow” laakiin ciyaartoyda wax calaamad ah looma taagin.

Gary Lineker oo ka mid ah halyeeyada Premier League ayaa Twitter ku soo qoray: “Tani waxay ka mid tahay waalida xilli ciyaareedkan. Lee Mason gool ayuu diiday, ka dib wuu ogolaaday hadana wuu diiday. Waa jahwareerkii ugu fiicnaa”

Daadihiyaha barnaamijka Soccer Saturday Jeff Stelling oo ciyaarta tabinayay ayaa yiri: ” Waa malaayacnigiii ugu weynaa oo caab weyn ay dul hogatay. Sidee ayuu goolka ku ogolaan karaa markii loo sheegay inuu seeriga yeeriyay? Miyuusan ogeyn inuu seeriga yeeriyay iyo in kale? Waligeey tanoo kale ma aanan arag.”

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay West Brom kaga badisay Brighton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here