Timo Werner Oo Magacaabay Waqtigiisii Ugu Xumaa Ee Chelsea & Waayihiisa Ciyaareed Oo Dhan

0
33

Timo Werner ayaa kalsooni ku qaba inuu ka soo kabsan doono waqtigii ugu xumaa ee Chelsea ka dib markii uu dhawaan soo gabagabeeyay abaar dhanka goolasha ah oo heysatay muddo 14 kulan ah.

Xiddiga ay Chelsea xagaagii kala soo wareegtay RB Leipzig ayaa si cajiib leh ku bilowday waayihiisa Blues laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu qaab ciyaareedkaas joogto ka dhigo isagoo xitaa qasaariyay fursado dahabi ahaa oo aad u fududaa.

Qaab ciyaareedka liita ee Werner waxaa calaamad u noqotay rigooradii uu qasaariyay kulankii Luton Town ee wareega afaraad ee FA Cup kulankaasoo ahaa midkii ugu danbeeyay ee tababare Frank Lampard.

Ninka ay isku wadanka yihiin Thomas Tuchel ayaa kooxda loo dhiibay iyadoo shaqadiisa ay tahay inuu qaab ciyaareedka ugu wanaagsan ka soo saaro xiddigaan ku fadhiya 50ka milyan ginni, Werner ayaana bilaabay haatan inuu soo dhiso kalsoonidiisa.

24 jirkaan ayaa ugu danbeyn soo gabagabeeyay abaartiisa goolasha isagoo shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Newcastle horaantii bishaan.

Wuxuu u sheegay Sky Sports: “Waqtigii aanan goolal dhinic bishii la soo dhaafay ayaa aheyd waqtigii ugu xumaa waayaheyga ciyaareed.

“Waligeed ima soo marin waqti sidaas u dheer oo aanan gool dhalinin sidaasi darteed aad ayaan ugu farxay inay soo dhamaatay.

“Markaan dib u eegis ku sameeyay sannadka barkii oo aan halkaan joogo waxaan ogaatay inay tahay waqtiga ugi fiican ee aan wax cusub barto marka aanan goolal dhalineynin.

“Waa inaad noqoto qof sabar badan, waa inaad shaqada ugu fiican u qabato. Waqtiga kuugu xun ayaad waxa ugu badan barataa sida aan dhahno Jarmalka, taas ayayna ii aheyd bishii la soo dhaafay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here