“Diego Simeone Ma Laha Qalbi & Farxad… Jose Mourinho Wuu I Khiyaameeyey, John Terry na…”

0
26

Difaaca reer Brazil ee Filipe Luis ayaa ka sheekeeyey waqtiyadii uu ku qaatay kooxaha Atletico Madrid iyo sannad niayd jab lahaa oo uu Chelsea u ciyaaray.

Laacibkan ayaa inta ugu badan ka hoos ciyaaray tababare Diego Simeone oo ay wada joogeen Atletico Madrid, waxaanu soo bandhigay waqtigii uu Rojiblancos ku qaatay ee guulaha badan ay gaadheen, taas oo ay ku lammaanayd dagaal, xafiiltan iyo kalsooni aanay ka qabin tababarahooda.

Filipe Luis oo waqtigan ka ciyaara waddankiisa Brazil ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa UK, waxa uu ku soo bandhigay dabeecadaha qallafsan ee Diego Simeone iyo khiyaano uu sheegay in Jose Mourinho uu kula kacay.

Muddo toban sannadood ahayd oo uu Atletico Madrid u ciyaaray, Filipe Luis waxa uu inta ugu badan ka hoos icyaarayay Simeone iyagoo ku guuleystay horyaalka LaLiga iyo laba jeer oo ay yimaaddeen finalka Champions League, hase yeeshee waxa uu Filipe Luis ku eedeeyey Simeone inuu yahay tababare aan lahayn ‘qalbi’, sidoo kalena farxad la’aan ah.

“Ereyadaydan qaata, ma fududa in loo ciyaaro Simeone. Qalbi ma laha. Waligii naftiisa kuma yidhaahdo: ‘Oh, waa nasiib-darro, waa ciyaartoy yar oo miskiin ah, waxaan u baahanahay tan ama taas’. Maya. Waxa uu gaadhayaa go’aankiisa kaliya si uu u guuleysto.

“Markii uu kooxda la wareegay sannadkii 2011kii, waxa uu naadigu afar dhibcood ka sarreeyay heerka horyaalka lagaga dhacayo, waxaanu isla xili ciyaareedkaas u qaaday Europa League. Waxa uu ka dhigay kooxda bahallada ah ee ay hadda yihiin. Guushaasi hal magac ayay leedahay, waana Diego Simeone.”

Filipe Luis waxa kale oo uu ka hadlay qaabka uu Simeone ciyaartoyda ula dhaqmo, waxaanu yidhi: “Illaa 120 ciyaartoy ayaa kooxda soo maray tan iyo intii uu yimid. Qaarkood waxay ahaayeen xiddigo, haddana may ciyaarin, kuwo kale waxa yimaaddeen iyagoon sumcad lahayn waxaanay noqdeen xiddigo.

“Waa guul weyn. Waqti iskama lumiyo. Marna ma yidhaahdo ‘ah, maanta aynu iska faraxno’.

“Anigu waxaan ahaa difaac aan haysanin kalsooni markii uu yimid bishii December, waxaanan ahaa difaaca bidix ee ugu wanaagsan dunida bishii January. Waa qofka kaliya ee ii maamulay inuu sidaa iga dhigo.”

Jose Mourinho ayaa isagana uu ka hadlay kaddib xili ciyaareed niyad-jab lahaa oo inta ay Chelsea kasoo iibsatay Atletico ay haddana ciyaarsiin waayeen, waxaanu tababaraha reer Portugal ku eedeeyey inuu khiyaameeyey.

“Waqtigaas waxaan dareemay inuu igu khiyaameeyey hadalkiisa macaan. Maan doonayn inaan la shaqeeyo Mourinho sannad kale. Laakiin isaga qaladkiisa may ahayn. Waxaanu ku guuleysanay koobka, guriga ayaanan la tegay abaal-marinta!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here