XUKUMADA SOMALILAND OO GABI AHAANBA MABNUUCDAY NOODHKA LACAGTA 50$ DOLLAR AH

0
33
Hargeysa(saxilnews.com)-Somaliland ayaa gabi ahaanba joojisay isticmaalka lacagta kontonka doollar ah, kadib markii suuqa ay soo gashay lacag been abuur ah oo $50 (Kontonka dollar ah), sida uu sheegay guddoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi.
Guddoomiyaha baanka dhexe waxa kale oo uu sheegay in ay dalbadeen mishiino aqoonsan kara lacagaha been abuurka ah.
Somaliland waxa kale oo ay sheegtay in lacagtani ay kasoo gashay dhanka Itoobiya, isla markaana kahor itoobiya ay lacagtani ka timid magaalada Muqdisho.
saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here