Wargeyska Qiimeynta Adag Ee L’Equipe Oo Hagraday Kylian Mbappe Halka Ay Dhulka Ku Jiideen Xiddigaha Barcelona

0
42

Dad badan ayaa aaminsan in qaab ciyaareedkii uu xalay Kylian Mbappe ku soo bandhigay garoonka Barcelona ee Camp Nou inuu ahaa mid dhameystiran oo aad u fiicnaa isagoo dhaliyay seddexleey laakiin jariirada qiimeynta adag ee L’Equipe sidaasi ma aaminsana.

Mbappe ayaan dhibcaha buuxa ka helin wargeyska Faransiiska ee L’Equipe iyadoo wargeyskaan lagu yaqaano qiimeyntooda adag waxayna Mbappe siiyeen qiimeyn 9/10 ah inkastoo uu seddexleey ka dhaliyay Barcelona.

L’Equipe ayaa taariikh ku leh inay qiimeyn adag sameyso iyagoo raadiya qalad aysan cid kale arkeynin, waxayna u diideen Mbappe dhibcaha buuxda taasoo ka dhigi laheyd inuu ku biiro liis gaar ah.

Kaliya 12 ciyaaryahan ayaa taariikhda ka helay L’Equipe qiimeyn ah 10/10 iyadoo xiddiga Bayern Munich Serge Gnabry uu ugu danbeeyay.

Afartii gool ee uu Gnabryu dhaliyay Bayern Munich kulankii ay 7-2 ku xasuuqeen Tottenham bishii October 2019 ayaa keentay in L’Equipe ay dhibcaha buuxa siiso xiddiga Jarmalka.

Iyagoo sababeynayay qiimeyntooda Mbappe ee 9/10, L’Equipe ayaa qortay in xiddiga reer France uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeya islamarkaana seddexleydiisa uu hore u soo sameeyay xiddig kale oo marti ku ahaa Camp Nou.

Laakiin inkastoo Mbappe dhibic laga hagraday hadana qolka labiska Barcelona ayaa si xun dhulka loogu jiiday iyadoo aysan jirin ciyaaryahan helay qiimeyn ka sareysa 5.

Lionel Messi iyo goolhaye Marc Andre ter-Stegen ayaa helay qiimeyn 5/10 ah laakiin L’Euqipe waxay dhulka ku jiireen Sergio Busquets iyo weeraryahanka Faransiiska Antoine Griezmann oo ay siiyeen qiimeyn 3/10 ah, waxaa qiimeyntaas oo kale helay Pedri, Ousmane Dembele iyo Lenglet

Eedeynta ugu badan waxaa loo dhigay daafaca Barcelona Sergino Dest kaas la siiyay qiimeyn ah 2/10 madaama uu aamusin waayay Kylian Mbappe.

12ka Xiddig Ee Ay L’Euipe siiyay qiimeyna 10/10 ah taariikhda kubada cagta:

1. Franck Sauzee (France v Greece, 1988)

2. Bruno Martini (France v Greece, 1988)

3. Oleg Salenko (Russia v Cameroon, 1994)

4. Lars Windfeld (Aarhus v Nantes, 1997)

5. Lionel Messi (Barcelona v Arsenal, 2010)

6. Lionel Messi (Barcelona v Bayer Leverkusen, 2012)

7. Robert Lewandowski (Borussia Dortmund v Real Madrid, 2013)

8. Carlos Eduardo (Nice v Guingamp, 2014)

9. Neymar (Paris Saint-Germain v Dijon, 2018)

10. Dusan Tadic (Ajax v Real Madrid, 2019)

11. Lucas Moura (Tottenham v Ajax, 2019)

12. Serge Gnabry (Bayern Munich v Tottenham, 2019)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here