Ma Dhabbaa In Madaxweyne Muuse Biixi Ku Khasbay Xubnaha Golihiisa Xukuumadda In Mid Waliba Reerkiisa Ka Keeno Musharrax U Taagan Wakiillada Iyo Deegaanka?

0
21

Warar lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka fayday arin cajiib ah oo ku Cusub Saaxadda hogaaminta Somaliland taasi oo ku saabsan in Madaxweyne Biixi Khasab kaga dhigay inay Golihiisa Xukuumadda gaar ahaan Golaha Wasiiraddu inay Musharaxiin ka keenaan deegaanada ay kasoo jeedaan gaar ahaan Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.

Wararkan ayaa sheegaya inuu arintan shuruud uga dhigay in Wasiirka talaabadaasi qaadi waaya ay macno ahaan noqonayso inaanu kalsooni ka haysan Beesha uu kasoo jeedo islamarkaana uu xilkiisu cidhiidhi gali karo, waxaanay taasi keentay in maalmihii u dambeeyay shaashadaha ama Warbaahinta lagu arko Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo daadahaynaya Xubno Musharaxiinta ah oo lamaano ah oo ukala sharaxan Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda kuwaasi oo iska diwaangaliyay Xisbi Xaakimka Kulmiye.

Arintan ayaa la sheegayaa inay Ku kaliftay Madaxweyne Biixi kadib markii uu ogaaday inay haldoorkii ugu miisaanka Cuslaan Beelaha ama Deegaamaddii uu cududda ku lahaa Kulmiye inay iska xaadiriyeen oo ay Musharaxiintoodii geeyeen Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. Xisbiga Kulmiye ayaad moodaa inuu lumiyay kalsoonidii Umaddii uu taageeradda ugu badan ku lahaa islamarkaana uu u muuqaal iyo sansaan egyahay oo ay ka muuqdaan calaamadihii saaaxadda ka saaray Xisbigii Weynaa ee UDUB. Waxa si weyn isha loogu hayaa doorka uu ku yeelan doono Doorshadan Fooda inagu hayso iyadoo ay dad badani aaminsan yihiin in laga awood badnaan doon marka loo eego miisaan Xubna uu doorkan Xushay oo aad looga awooda badan yahay.

Dhinaca kale waxa wali saaxadda ka maqan oo aan Xisbiga Kulmiye iska soo dhex sharaxin Beesha Bariga Burco oo ka mid ah aasaaskii iyo bud-dhigii Xisbiga Kulmiye islamarkaana aanu la’aantood Xisbiga Kulmiye sii jiri Karin. Warar hoose oo Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in waxgaradka Deegaamadaasi ay wadatashi iskugu maqan yihiin islamarkaana wax walba laga filan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here