Mesut Ozil ayaa ku maadeystay taageeraha caanka aha ee Arsenal Piers Morgan kaasoo had iyo jeer eedeyn jiray Ozil isagoo soo bandhigay xaashida saxarada lagu masaxo oo wajigiisa ka sameysan.
Xiddigii hore ee Gunners oo 32 sanno jir ah ayaa ugu danbeyn ka tagay Arsenal ka dib todoba sannadood iyo bar uu joogay kooxda isagoo bishaan Janaayo u wareegay kooxda Fenerbahce.
Ozil oo ay jeclaayeen taageerayaasha Arsenal ayaa waxaa cadow ka dhigtay Piers Morgan oo inta badan ku dhaleeceyn jiray bogiisa Twitter.
Bishii December Piers Morgan oo daadihiya barnaamijka Good Morning Britian ayaa si xun u dhaleeceeyay xiddiga khadka dhexe.
Morgan ayaa yiri: “Taageerayaasha dhabta ah ee Arsenal kuma taageersana adiga.
“Waxaad tahay Paul Pogba-heena – lacag badan ayaa lagaa soo bixiyay, si xun ayaad u ciyaartay, qiimo aadan laheyna waad isku yeeshay. #Runta”
Haatan Ozil oo dhoolacadeynaya ayaa ka aargudatay cadowgiisa isagoo u adeegsaday Twitter.
Ozil ayaa isku soo sawiray isagoo gacanta ku haya xaashida saxarada lagu masaxo oo wajiga Piers Morgan laga sameeyay, wuxuuna Twitter ku soo qoray:
“Piers, waxaan tan hore uga soo qaatay London markii aan imaanayay Istanbul si aan kuugu soo xusuusto.
“Inkastoo aad hore u ogeyd …#ku-saxarooda-piers.”
Morgan oo ah nin war badan ayaa u jawaabay xiddiga Jarmalka isagoo Twitter ku soo qoray:
“Mesut, waxaa ka buuxa saxaro sidaasi darteed waan ku faraxsanahay inaan noqdo mid loo baahan yahay in la isticmaalo.”
Laakiin Ozil jawaabta Morgan waxba kama soo qaadayo isagoo ku faraxsan inuu Istanbul joogo.