Manchester United ayaa lagu sifayn karaa boqorada soo laabashada horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan kaddib markii ay tiro dhibco ah oo aad uga badan kooxaha kale ka heshay marxalad y guuldarro taagnayd.
Goolkii gantaalka ahaa ee uu Paul Pogba ka dhaliyay Fulham ayaa dhammaystiray xalay markale guul soo laabasho ah oo ay saddex dhibcood ku heleen.
Manchester oo sii waday rekoodhkeeda cajiibka ah ee kulamada ay martida tahay ayaa ku laabatay hoggaanka horyaalka oo si kumeel gaadh ah loo gala sii wareegay.
Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa siddeed kulan soo guuleysatay isla markaana 2 bar-bardhac soo gashay tobban kulan oo ay baxday horyaalka xilli ciyaareedkan.
Manchester ayaa 21 dhibcood ku heshay xilli ciyaareedkan guulo soo laabasho ah iyagoo in ka badan laba jibaar k sarreeya kooxda ugu soo dhaw.
Leicester City iyo Liverpool oo ah kooxaha kaliya ee aysan garoomadoosa kaga soo guuleysan Manchester ayaa 8 iyo 10 dhibcood ku helay guulo soo laabasho ah sida ay u kala horreeyan.
Chelsea oo soo raacda ayaa iyaduna toddoba dhibcood ku heshay guulo soo laabasho ah waxaana ku xiga afar kooxood oo min lix dhibcood ku helay.
Arrinta yaabka leh ayaa ah in Manchester City ay kaliya 2 dhibcood ku heshay dedaal soo laabasho ah taas oo ka dhigan in laba mar oo hoggaanka laga qabtay ay bar-bardhac galeen halka ay Arsenal 1 dhibic ku heshay dedaal soo laabasho ah.
Liiska Oo Dhammaystiran