Bilyaneerka iska leh Alibaba oo markii ugu horreysay la arkay

0
22
Jack Mat at the inaugural meeting of Zhejiang E-Merchant Bank in 2015.

Aasaasaha shirkadda ganacsiga ee Alibaba, Jack Ma, ayaa markii ugu horreysay shaashad kasoo muuqday kaddib markii dowladda Shiinaha ay fulisay howlgal ka dhan ah ganacsigiisa.

Maqnaashihiisa ilaa bishii October ee sanadkii hore ayaa kiciyay hadal heyn ballaaran oo ku aaddan halka uu ku sugan yahay, xilli cadaadiska ku socday howlaha ganacsigiisuna uu sii xoogeysanayay.

Bilyaneerkan ayaa maalintii Arbacada qaab maqal iyo muuqaal ah uga qeyb galay munaasabad loo qabtay 100 arday oo wax ka dhiga iskuullada dhulka miyiga ah ee Shiinaha, sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda ee maxalliga ah.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan in la arkay Jack Ma waxaa 5% sare u kacay saamiga shirkadda Alibaba ee suuqa kala iibsiga saamiyada ee Hong Kong.

Telefishinka Tianmu News, oo ay taageerto dowlad goboleedka ka arrimisa gobolka Zhejiang, ayaa markii ugu horreysay soo tabiyay in Mr Ma uu khudbad u jeediyay macallimiinta, maadaama shaqadooda lagu aasaasay shirkaddiisa samafalka ah.

Munaasabadda sanadlaha ah ayaa badanaa lagu qabtaa goobta dalxiiska ee Sanya, laakiin sanadkan waxaa laga dhigay mid dhinaca online-ka ah looga qeyb galo, maadaama ay jiraan shuruucda xayiraadda ee uu sababay cudurka Covid-19.

“Kuma kulmi karno Sanya cudurka safmarka ah awgiis,” ayuu Ma ku yidhi khudbaddiisa.

“Marka uu cudurka safmarka ah dhammaado, waa inaan helno waqti aan qof walba ku abaalmarinno sidii uu ugu safri lahaa Sanya, markaas kaddibna waan is arkeynaa mar kale!”

Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo ku labisan dhar midabka buluugga ah, wuxuuna toos u eegayay kaamirada isagoo ku jira qol ay darbiyadiisu yihiin midabka boore-ga, roog diillimo lehna uu dhex yaallo.

Hase yeeshee meesha uu kasoo hadlayay kuma caddeyn muuqaalka iyo warka laga sii daayay telefishinkaba.

Tallaabooyin dhinaca sharciyada ah

Jack Ma
Qoraalka sawirka,Jack Ma

Bishii lasoo dhaafay, bangiga dhexe ee Shiinaha ayaa si khasab ah ku kaxeystay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Ant Group ee hoos tagta Alibaba, waxaana khalkhal weyn la galiyay dhammaan howlahoodii ganacsi.

Mr waa aasaasaha ahna milkiilaha Ant Group, oo ah shirkadda ugu weyn ee shiinaha lagubixiyo lacagaha.

Dowladda ayaa markii hore amar ku bixisay in la dhimo qiimaha shirkadda ee Hong Kong iyo Shanghai.

Qoraalka Muuqaalka,Sida ay quraanjo yar ku noqotay shirkad ganacsi oo aad u weyn

Saamiga dhan $37bn ee shirkaddan ay ku yabooheysay sanadkii 2020-kii ayaa la filayay in uu noqdo kii ugu weynaa abid.

Dhinaca kale, maamulka dowladda Shiinaha ee qaabilsan sharciga dhinaca ganacsiga ayaa baaritaan ku waday eedeymo loogu jeediyay shirkaddaas in ay ku lug lahayd shqooyin aan sharciyeysneyn.

Shakiga laga qabay in la la’yahay Mr Ma ayaa soo baxay horaantii bishan, kaddib markii uu ka qeyb gali waayay duubitaanka barnaamijka laga sameynayo geesiyaasha ganacsiga ee Afrika. Waa barnaamij telefishin oo lagu tartansiiyo dadka maskaxda ganacsi leh.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ganacsadaha maalqabeenka ah uusan kasoo qeyb gali karin barnaamijkaas maadaama uu ku mashquulay arrimo kale oo u qorsheysnaa. Warkaasna waxaa tabiyay wargeyska kale ee lagu magacaabo Financial Times, kaasoo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha.

Inkastoo shirkadda Alibaba aysan rasmi ahaan ugu dhawaaqin in la la’yahay milkiilahooda, haddana dadka tabinayay maqnaashihiisa waxay sheegeen in la waayay meel uu jaan iyo cirirb dhigay wixii ka dambeeyay markii uu bishii October eedeymo u jeediyay hannaanka sharciyenta ee Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here