Hargeysa(saxilnews.com)-Agaasimaha guud ee baanka dhexe ee somaliland Axmed xasan carwo ayaa ka hadlay xalka kaliya ee mustaqbalka ay isku kaashan karaa dawladaha somaliland ,jabuuti iyo somaliya In ay samaystaan midow lamid ah ka wadamada khaliijka carabta oo kale balse aan si kale loo qaadin Karin xidhiidh wadaagsan oo dhexmara wadamada jaarka ah ee kuwada hadla luuqada somaliga.
Agaasimaha baanka ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;
“Waxaan Xal Somalinimo u Arkaa In Somaliland, Somalia iyo Djibouti Sameystaan Barwaaqo Sooran La Mid ah kuwa Dawladaha Khaliijka GCC. Taas oo ah seddex dal oo xor ah kuna bohoobay iskaashi buuxa oo xuduudu u furantay dadka, badeecadaha. Iskaashi buuxa siyaasadda debedda iyo albaab furan oo dhinaca diinta, dhaqanka iyo ciyaaraha.
Waxaan aaminsanay haddii dadweynaha loo gudbiyo inay dhammaan ku qanci karaa tan. Waa mid Somali u horseedaysa nabad, horumar dhaqaale iyo dhaqanba. Kolkaad ka tagto indho iska ridka siyaadiga Somalia, dadweyne waxuu u baahan yahay xalkan. waana mid si fudud loo fulin karo. Dadku intaas ayey rabaan, inay ka xoogsadaan iyo inay degi karaan dalka ay doortaan. Ii kaalay aan ku cunee wax la yeeli karo ma aha. Waxa ka wanaagsan aan wadaagno walaalnimo adigoo ila siman oo ah dal xor. Dadweynaha waxa u dan ah ee surtagal ah ayaa lagu hayaa. Ma habboona in inta timaha leysuguu xidho siyaasi guracani ka dhaansado dantiisa khaaska ah. Maxaa dhammaan inoo wanaagsan oon ku heshiinaa, middaas ha la wado doono. Waxa si sahlan loo fulin kara taladan aan soo jeediyey. Alle heyna waafajiyo talada habboon.