Weeraryahanka suuqii xagaaga ee sanadkii hore Barcelona kaga biiray Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa halkiisa kasii wada gool dhalinta uu hoggaanka horyaalka ugu hayo kooxdiisa oo 2 dhibcood hoggaanka ku haysa isla markaana 2 kulan baaqi u yihiin.
Shaqsi kasta ayaa filanayay in tababare Diego Simoene uu qaab ciyaareedka ugu fiican kasoo saari doono Suarez balse dad badani ma filayn la qabsigiisa deg-dega ah iyo saamaynta balaadhan ee uu yeeshay.
Suarez ayaa ah tartame ruuxi ah iyo dilaa marka uu ku dhex jiro xerada ganaaxa balse gool dhalintiisa horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan ayaa dhaaftay sidii la filayay.
Kulankiisii ugu horreeyay ee uu Atletico Madrid u ciyaaray La Liga 27-kii September ee 2020 ayaa ahaa farriin cad isaga oo 2 gool iyo caawimo ku sameeyay kaliya 21 daqiiqo.
Suarez ayaa hadda gool dhalinta horyaalka La Liga 9 gool ku hoggaaminaya kaddib 11 kulan oo uu ugu soo bilawday isaga oo xilli horeba noqday ubucda weerarka ee Rojiblancos.
Haatan waa wakhtigii tirooyinkiisa lala bar-bardhigi lahaa ciyaaryahanada bedelka uga noqday booskii Barcelona ee uu kasoo dhaqaajiyay.
Waxa wax cad ahayd inuu meel weyn ku banayn doono Barcelona marka uu kasoo tagayay iyadoo aysan kooxdu haysan gool dhaliye kale oo dabiici ah isla markaana Martin Braithwaite yahay midka ugu dhaw.
Braithwaite, Antoine Greizmann, Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele ayaa dhammaantood xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga ka dhaliyay 9 gool oo lamid ah Suarez oo kaliya.
Xogtan ayaa muujinaysa dhibaatada Barca marka ay noqoto dhinaca gool dhalinta iyadoo uu Koeman hore uga cawday natiijada afka hore ee kooxdiisa.