Mucjisadii la xiriirtay “Wax aan la garaneynin oo ku duulayay” keymaha UK

0
22
.

Afartan sano ka hor, jasiirad caan ah oo ku taalla gobolka Suffolk ee UK ayaa lagu arkay dhacdo layaab leh oo muujineysay mid ka mid ah mucjisooyinka loo yaqaano UFO, taasoo ah wax aan la garaneynin oo hawada ku duula. Haddaba sidey wax u dhaceen? Ma la hubaa xaqiiqda ku saabsan wixii halkaas lagu arkay?

Vince Thorkitel wuxuu xilli aroor ah xaabao kasoo guranayay keynta Rendelsham markii uu arkay gaari lagu istaajiyay hortiisa. Waxay markaas ahayd dabayaaqadii bishii December ee sanadkii 1980-kii.

Labo nin ayaa gaarigii kasoo dagay, mid walbana da’diisa waxay ahayd qiyaastii 30 sano. Labadooduba waxay ku labisnaayeen dhar isku eg.

Mid ka mid ah oo ku hadlayay Ingiriis fasiix ah ayaa ku yidhi, “Subax wanaagsan. Ma ku weydiin karnaa dhowr su’aalood?”

Maalmo ka hor xilligaas, oo ku beegneyd 26-kii iyo 28-kii December, Ciidamada cirka ee Mareykanka – oo fariisin ku leh saldhigga ciidanka cirka ee Woodbridge – ayaa soo tabiyay in ay arkeen iftiin mucjiso ah oo kasoo baxaya keymaha aaggaas ku dhow.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay arkeen wax mucjiso ah oo hawada ku duulaya, cid taqannana aysan jirin
Qoraalka sawirka,Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay arkeen wax mucjiso ah oo hawada ku duulaya, cid taqannana aysan jirin

Ninka keynta xaabada kasoo gurayay, Thorkitel, wuxuu sheegay in labadii nin ee u timid aysan magacyadooda iyo cidda ay yihiin u sheegin laakiin ay weydiiyeen in uu habeenkii maalintaas ka horreeyay keynta aaday iyo in kale. Wuxuu ku jawaabay, “Maya ma aadin”.

Haddana waxay weydiiyeen, “Waligaa maka baxday guriga? Ma aragtay wax?”

Wuxuu ku jawaabay, “Wax sidee ah?”

Waxay ku dhaheen, “Waxaa lasoo sheegay inuu jiray iftiin guduudan oo kasoo baxayay keymaha dhexdooda, annaguna waan hubsaneynaa kaliya.”

Wuxuu ninkan sheegay in labadaas nin ay si akhlaaq leh u weydiiyeen ilaa 20 su’aalood oo adag, wuxuuna u maleynayay xitaa inay wariyeyaal ahaayeen.

Kaddib waxay mar qura ku dhaheen, “Nagu filan intaas. Waxba in aysan jirin ayey u badan tahay,” wayna iska baxeen.

Thorkitel wuxuu intaas ku daray, “Subaxdaas kaddib waxaan maalin kasta iibsan jiray wargeyska si aad u ogaado waxa ka socday meeshaas, balse waxba ma aanan fahmin.”

Vince Thorkitel, hadda waa 64 jir
Qoraalka sawirka,Vince Thorkitel, hadda waa 64 jir

Hase yeeshee, saddex sano kaddib, dhacdadaas waxaa lagu soo qoray bogagga hore ee wargeysyada.

Ciwaanka warka wuxuu ahaa “Wax aan la garaneynin oo duulaya ayaa ku dagay gobolka Suffolk”.

Sheekada waxaa laga soo xigtay Colonel Charles Holt, oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada cirka ee saldhigga Woodbridge, kaasoo arrintan ku faahfaahiyay warqad uu u diray taliska ciidamada difaaca.

Qormadaas waxaa shaaca ka qaadday dowladda Mareykanka, waxayna sheegtay in la arkay wax aan la aqoonin oo ku duulayay keymaha dhexdoda.

Colonel Charles Holt wuxuu ahaa askarigii milatariga Mareykanka ee sheegay in wax aan la aqoonin ay ku duulayeen keynta Rendelsham
Qoraalka sawirka,Colonel Charles Holt wuxuu ahaa askarigii milatariga Mareykanka ee sheegay in wax aan la aqoonin ay ku duulayeen keynta Rendelsham

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyaywaxaa socday muran la xiriira dhacdadaas oo ku saabsan xaqiiqda ku aaddan in ay jiraan wax mucjiso ah oo hawada ku duula.

Waxaa laga qoray buugaag badan, faallooyin iyo maqaallo, waxaana laga sameeyay filimo iyo barnaamijyo telefishin.

Bishii March ee sanadkii 2020-kii, dukumentari laga sameeyay dhacdadaas waxaa lagu sheegay in ay la mid tahay mucjisooyin hore oo laga soo tabiyay caalamka, kuwaasoo ah waxyaabo aan ilaa hadda xaqiiqdooda waxba laga sheegi karin.

Keydnta laga soo tabiyay in ay waxyaabo aan la garaneynin ku duulayeen ayaa hadda ah meel ay dad badan u dalxiis tagaan, si ay xasuus uga dhigtaan.

Waaxda keymaha ee UK ayaa dadka dalxiiseyaasha ah halkaas ugu sameysay wax u eg wixii ay ciidanka Mareykanka halkaas ku arkeen
Qoraalka sawirka,Waaxda keymaha ee UK ayaa dadka dalxiiseyaasha ah halkaas ugu sameysay wax u eg wixii ay ciidanka Mareykanka halkaas ku arkeen

Thorkitel wuxuu sheegay in booliska Britain ay qirteen in aysan ka warqabin dhacdadaas ka hor inta uusan soo bandhigin Mr Holt.

Sidoo kale warqadda uu sarkaalkaas qoray ma aysan soo bixin waqti u dhow xilliga ay labada nin wareysteen Thorkitel.

“Sidaas darteed waxay u badan tahay in ay qof kale macluumaad ka heleen,” ayuu yidhi.

Waxaa intaas dheer in Thorkitel uusan xitaa maqlin warar la isla dhex marayay oo deegaankiisa looga hadal hayay dhacdo noocaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here