Booliska Minneapolis Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Soomaali Ah

0
21

Ciidammada Booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay wiil Soomaali ah, taasi oo horseeday dibad-baxyo.

Booliiska ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen gaadhi uu watay ninkaasi oo marayayey Minneapolis oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Taliyaha ciidammada Booliiska ee Minneapolis oo ka hadlay dilka wiilkan Soomaaliga ayaa sheegay in gaadhiga uu watay ay ciidammada kaga soo dhacday rasaas kadibna ay iyaguna rasaas ugu jawaabeen, waxaana kaddib isla goobta ku geeriyooday ninkaasi Soomaaliga ahaa oo aan ila iyo hadda la shaacin magaciisa.

Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa tilmaamay inay wadaan baadhitaano dheeraad ah, islamarkaana ay natiijada beri soo bandhigi doonaan.

Waxaa sidoo kale goobta lagu dilay nin Soomali ah oo ah wadada Siger iyo leg-street isugu soo baxay dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo aad uga xumaaday dilka maruumka, iyaga oo dalbanayey in uu cadaalad helo.

Si kastaba dilkan ayaa qeyb ka noqonaya toogasho muddooyinkii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhaceysay magaalooyinka waa weyn ee dalka Mareynkanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here