Xildhibaan Laga Hor-istagay Tartanka Xilka Gudomiyaha Aqalka Sare Oo ku Laabtay Hargeysa

0
21

Mustafe Maxamed Qodax oo ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolada Waqooyi, sidoo kalena dhawaana sheegay in uu iska casilay Xubinimadii Aqalka Sare ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa.

Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Dhalinyaro taageersan iyo qaar kamid ah ehelkiisa, isaga oo faah faahin ka bixiyay sababaha uu uga laabtay fikirkiisii ku saabsanaa midnimada Soomaaliya iyo Soomalailand.

Mustafe Qodax ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in mudo afar sano iyo bil uu ka maqnaa Magaalada hargeysa uu dib ugu soo laabto,isaga oo u mahad celiyay qof walba oo ka qeyb qaadatay oo dhaweyntiisa.

Waxaa uu sheegay in muddo bil ah ka hor uu iska casilay xubinimadii Aqalka Sare,xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta, isla markaana uu cafis ka dalbaday madaxda Soomaliland lagala aqbalay.

Mustafe Qodax ayaa xilka guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu kula tartamay guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hor inta uusan kamid noqon siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee xilalka u soo doonta Soomaaliya uu ahaa Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, sidoo kale uu mar noqday Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Soomaaliland.

Horay ayaa xubno ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwo xilal sare ka qabtay dowladda Soomaaliya ee kasoo jeeday gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ay dib ugu laabteen hargeysa, waxaana kamid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here