KULMIYE Oo Kormeeray Goobaha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa Ee Ay Ka Socoto Is-Diiwaangelinta Cod-Bixiyayaashu

0
23
Xubno sarsare oo katirsan xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo xogyaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi, ayaa maanta kormeeray goobo ku yaalla degmooyinka caasimadda Hargeysa oo ay ka bilaabantay wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaashu.

Xubnahan uu hoggaaminayo xogyaha guud ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay xubno ka yihiin Af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, xoghayaha garabka haweenka, Marwo Sahra Saleebaan Cawada, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, MUDANE Khadar Baaruud Cumar, xildhibaanno katirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, ayaa kormeedkooda kusoo maray goobo ku yaalla Maxamed Mooge, Axmed-dhagax, I/Koodbuur iyo Maxamuud Haybe, waxana ay halkaas kula kulmeen dadweyne safaf dhaadheer ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen.

Masuuliyiintan, ayaa bulshadii ay goobahaas kula kulmeen ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka diiwaangelinta ee lagaga qaybgeli doono doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, kana faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah ee mar labaad la siiyey.

Saraakiishan katirsan xisbiga KULMIYE, waxa ay bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba gobolka Maroodi-jeex ugu baaqeen inay si habsami leh u qaataan kaadhadhka cod-bixinta, islamarkaana u diyaar garoobaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda doorasho mustaqbalka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here