Frank Lampard Oo U Diiday Xiddigaha Chelsea Inay U Dabaaldegaan Ciida Gaalada

0
29

Frank Lampard ayaa ku amray ciyaartoydiisa inaysan ka qeyb gelin xafladaha ciida masiixiga si aysan u qasaarinin riyadooda ah hanashada horyaalka.

Tababaraha Blues ayaa qirtay in ciyaartoydiisa aysan weli yeelanin xiriir shaqsi ah madaama ay kooxda ka buuxaan ciyaartoy cusub laakiin wuxuu u diiday inay isla soo caweeyaan sababo la xiriira xakameynta cudurka Korona Fayras.

Haddii ciyaartoyda si wadajir ah u sameystaan xaflado ay ugu dabaaldegayaan ciida gaalada waxay sababi kartaa inay karantiil galaan sababo la xiriira xakameynta Korona Fayras.

Chelsea ayaa sannadkan baajisay xaflada ciida gaalada ee ay sameyn jireen iyadoo Lampard uu u sheegay ciyaartoydiisa inaysan ka qeyb geli karin xafladaha ciida gaalada.

“Waxaan qabaa in xaflada ciida masiixiga ay tahay mid laga soo gudbay oo aan loo baahneyn.

“Ciyaartoyda waa kuwa aad ugu xiran baraha bulshada, qaar ka mid ah xafladihii aan ka qeybgeli lahaa iyagana waa wax aan dhici doonin.

“Mas’uuliyada saaran ciyaartoyda waa mid aad u weyn, waxay dad badan u yihiin rag lagu daydo, waa xirfadlayaal, waa inay sameeyaan waxa haboon gaar ahaan iyagoo si joogta ah u ciyaaraya waqtiga ciida masiixiga.

“Waa inay ku noolaadaan nolol ka duwan bulshada inteeda kale islamarkaana ay diirada saaraan howshooda. Waan la hadli doonaa iyaga.”

Lampard ayaa lix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here