Iiraan: Yaa beddeli doona Ali Khamenei?

0
21
Ayatollah Ali Khamenei speaks in Tehran, Iran, on 3 November 2020

Wararkii dhowaan la isla dhex marayay ee ku saabsanaa caafimaadka Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sababay in la saadaaliyo waxa dhici kara haddii uu xanuunkiisu ka sii daro ama uu geeriyoodo.

Ninkan 81 sano jirka ah waa sarkaalka ugu sarreeya dhanka siyaasadda mid ka mid ah dalalka ugu awoodda badan Bariga Dhexe, qofka beddeli doona ayaana muhiimad gaar ah u leh Iiraan, gobolka iyo dunida inteeda kaleba.

Sidee loo soo xulaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ah?

Ninka haatan haya xilka (Ayatollah Khamenei keliya waa qofkii labaad ee xilkan qabta tan iyo Kacaankii Islaamiga ee Iiraan sanadkii 1979) waxaa soo xula guddi ka kooban 88 wadaad oo loo yaqaanno Golaha Khubarrada.

Xubnihiisa waxaa siddeeddii sanaba mar doorta dadka Iiraan, balse musharraxiinta waxaa marka hore ansixiya guddi lagu magacaabo Golaha Ilaalada. Xubnaha Golaha Ilaalada qudhooda waxaa si toos ah amaba si dadban u doorta Hoggaamiyaha Sare.

Hoggaamiyaha sare ayaa sidaas darteed saameyn ku leh labada guddi. 30-kii sano ee ugu dambeeyay, Ali Khamenei wuxuu hubiyay in xubno asal raac ah loo doorto golaha kuwaas oo raaci doona taladiisa ku aaddan cidda beddeli doonta.

Members of Iran's Assembly of Experts attend a session in Tehran on 12 March 2019
Qoraalka sawirka,Golaha Khubarrada ayaa magacaaba Hoggaamiyaha Sare waxayna awoodaan inay xilka ka qaadaan

Marka la doorto, Hoggaamiyaha Sare ayaa xilkaas heyn doona inta uu nool yahay.

Sida uu dhigayo dastuurka IIraan, Hoggaamiyaha Sare waa inuu noqdaa ayatollah, oo la micno ah wadaad sare oo dhanka madhabta shiicada ah. Balse markii Ali Khamenei la dooranayay ma uusan ahayn ayatollah, sidaas darteed sharciga waa la beddelay si ay ugu suurto gasho inuu xilka qabto.

Sidaas darteed, waa suurtogal in sharciga la beddelo mar kale, waxayna ku xirnaan doontaa dabeysha siyaasadeed ee taagan marka ay timaaddo doorashada hoggaamiyaha cusub.

Maxay muhiim u tahay?

Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan awood weyn ayuu ku leeyahay Iiraan. Waa qofka ugu dambeeya ee go`aan ka gaara arrimo badan oo muhiim ah, wuxuu qaabeeyaa siyaasadaha dalka iyo habka loo wajahayo dunida kale.

Iiraan waa dalka Shiicada ah ee ugu awoodda badan dunida, intii uu Ali Khamenei hoggaanka hayayna waxay saameynteeda ku ballaarineysay Bariga Dhexe.

Iranian Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei (R3), Quds Force commander Gen Esmail Qaani (R2), Iranian President Hassan Rouhani (R4), Judiciary chief Ebrahim Raisi (L4), chairman of the Assembly of Experts Ahmad Jannati (R) attend a memorial for Qasem Soleimani in Tehran, Iran on 9 January 2020
Qoraalka sawirka,Hoggaamiyaha Ruuxiga ah booska ugu sarreeya ayuu kaga jiraa siyaasadda Iiraan

Geeridiisa keliya ma beddeli doonto taariikhda gobolka, balse waxay sidoo kale saameyn doontaa qeybaha kale ee dunida.

Cadaawadda ka dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa`iil, tusaale ahaan – oo ay dabka u sii hurisay nacaybka shakhsiyadeed ee Ayatollah Khamenei uu labada dal u qabo – ayaa horseedday sanado xiisad iyo xasilooni darro ah.

Si kastaba, qof walba oo isaga beddela waxay u dhowdahay inuu raaco waddadiisa.

Yuu noqon karaa Hoggaamiyaha Sare ee xiga?

Kooxaha siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa aad u daneynaya qofka qaban doona xilkan, balse ma jiro hal qof oo awood leh oo ka hortagi kara xasarad.

Ali Khamenei wuxuu joogteeyay saameynta uu ku leeyahay koox isaga daacad u ah, badankood waxay ka tirsan yihiin kooxda ugu awoodda badan Iiraan, waa Ilaalada Kacaanka.

Iranian Revolutionary Guards commander Major General Hossein Salami speaks during a pro-government rally in Tehran on 25 November 2019
Qoraalka sawirka,Ilaalada Kacaanka, oo uu hoggaamiyo jeneraal Hossein Salami, waa xoogag milatari, siyaasad iyo dhaqaale oo ka dhisan Iiraan

Waxay u dhow dahay in Ilaalada Kacaanka ay ka hor istaagi karaan qofka aysan dooneyn inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee xiga.

Inkastoo uu soo baxay liis qarsoodi ah oo magacyada shakhsiyaad ay ku xusan yihiin, cedna ma oga, qofna ma sheegan inuu ogyahay cidda ku jirta liiskaas.

Waxaase la sheegay in dadka uu daneynayo Ali Khamenei ay noqon karaan wiilkiisa Mojtaba ama Madaxa Garsoorka Ebrahim Raisi – taas oo haddii ay run noqoto culeyskeeda leh.

Ninka uu xilka kaga guuleystay Mr Raisi, ee Sadeq Larijani, iyo madaxweynaha haatan Hassan Rouhani, ayaa sidoo kale la sheegay inay daneynayaan inay noqdaan Hoggaamiyaha Sare ee xiga.

Waa kuma Mojtaba Khamenei?

Mojtaba Khamenei (C), son of Iranian Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei, is pictured during a protest marking the annual al-Quds Day in Tehran, Iran (31 May 2019)

Wiilka Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan, oo 51 sano jir ah waa qof aan wax badan laga aqoon. Wuxuu ku dhashay magaalo diimeedka Mashhad, sida aabbihiis oo kalena waa wadaad.

Mojtaba wuxuu indhaha caalamka qabsaday xilligii uu socday howlgalka ka dhanka ah dibadbaxyadii dhacay kaddib doorshadii madaxtinnimo ee lagu murmay ee sanadkii 2009. Waxaa la rumeysan yahay inuu qaabilsanaa ugaarsashada dadkii dibadbaxa sameynayay.

Inkastoo Ali Khamenei uusan boqor ahayn isla markaana uusan si fudud xilka ugu wareejin karin wiilkiisa, Mojtaba awood muuqata ayuu ku dhex leeyahay saaxiibbada aabbihiis, meelaha uu awoodda ku leeyahay waxaa ka mid ah xafiiska Hoggaamiyaha Sare, oo saameyn xooggan ku leh guddiyada dastuuriga ah.

Haddii uu hanto taageerada Ilaalada Kacaanka, waxay saameyn ku yeelan karaan hannaanka doorashada ee sharciga ah iyaga oo u sed burinaya isaga.

Waa kuma Ebrahim Raisi?

Iranian Judiciary chief Ebrahim Raisi addresses foreign ambassadors in Tehran, Iran (24 June 2019)

Wadaadkan 60 sano jirka ah wuxuu sidoo kale ku dhashay Mashhad.

Waxaa la rumeysan yahay inuu yahay qofka ugu dhow ee beddeli kara Ayatollah Khamenei.

Weligiis ma uusan beenin wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan damaciisa ah inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee xiga, qaar badan oo ka mid ah tallaabooyinkiisana waxay muujinayaan in loo sharraxay xilkaas.

Dhowr xil ayuu ka soo qabtay waaxda garsoorka waana ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Khubarrada.

Taariikhda arrimaha bani`aadannimada ee Raisi, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay xukunkii dilka ee lagu fuliyay maxaabiis badan oo siyaasadeed sanadkii 1988, waxay la micno tahay inuusan heysan taageero weyn. Balse inkastoo uu ku guul darreystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2017, Hoggaamiyaha Sare ayaa u magacaabay madaxa Garsoorka.

Tan iyo intii uu xilkaas qabtay, wuxuu kordhiyay ka soo muuqashadiisa warbaahinta wuxuuna bilaabay waxa uu ugu yeeray “dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa”. Sida Ali Khamenei, Raisi wuxuu ka soo horjeeday heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ee sanadkii 2015 wuxuuna xulafo dhow la yahay Ilaalada Kacaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here