Bixiyo Hadalkaas, Waa Gef Iyo Meel Ka Dhac…” Cabdikariin Xinif Oo Naqdiyay Hadal Dhwaan Ka Soo Yeedhay Dr. Gaboose.

0
21

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka md Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa naqdiyay hadal dhwaan ka soo yeedhay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

Dhakhtarku Xaal Ha Ka Bixiyo Hadalkaas.

Waa Gef iyo Meel ka dhac aan in badani fahmayn Kililka 5aad waxaa dega dad badan, oo kala duwan.

Waa dawlad dadku wada leeyahay oo loo siman yahay, ma jirto cid cid kale uga abaan ah ama uga wakiil ah, ama ergo uga noqonaysaa.

Ma jiro reer reer kale uu uga wakiil ah ama uu iyada sababteeda ku deggan yahay, waa waajib dawladda Deegaanka saaran in cid waliba xaqa ay leedahay ka heshaa.

Ma jiro reer dhamaantii kililka degaa ee reero badani waxay deggan yihiin labada waddan Somaliland iyo Ethiopia, reero kalena qaxay deggan yihiin labada midkood oo ma wada deggana.

Haddii dadka deegaanku ka dhexeeyaa isu doodo oo yidhaahdo deegaankaa waxaas buu u baahan yahay dhib malaha, weliba hadalka oday dhaqameedka ee sida gaboose oo kale u hadlaa nasteex iyo tolnimo ayaa loo qaadan karaa.

Laakiin Hadalka Dr Gaboose maaha hadal dad badan sidaa ugu dhadhamaya.

Waa hadal siyaasi ujeeddo fog leh, masalan anigu waxaan ahay reer Ethiopia deegaankaygu waa Yucuboole iyo Balli-dhig intiinna taqaanna, aabbahayna alla ha u naxariistee waxaa lahu aasay Baalidhaye gudeheeda 1969kii.

Umaan diran Dhakhtarka inuu dawladdayda iga wasteeyo ama aan magan uga noqdo ama uu noo dhexeeyo oo iiga tarjumaano.

Xaqayga maan sheegan kari waayin ragga wax garadka ee aannu isku deegaanka nahay ee meesha marayey waa rag ku filan oo waayo arag ku ah xaajada ay u tageen, waa rag sii diyaarsaday tabashadooda iyo cabashadooda.

Hadalka dhakhtarku wuu gun dheeryahay, waana ujeeddo fogyahay, inuu nasteex ka ahaana ilaahay uun baa og.

Baali-dhaye iyo qaar kaleba degmonimada xaq bay u leeyihiin waana wax marka horeba ka maqnaa, horena odayada iyo wax garadku uga hadli jireen, u daba socdeen oo muddho dheer raacdadeeda ahaayeen.

Hadduu dhakhtarku odhan lahaa Anigoo ku hadlaya afka deegaannadan waxaas baa dadkani xaq u leeyihiin oo ay u baahan yihiin in loo qabto way fiicnaan lahayd, laakiin anigoo ku hadlaya afka Habaryoonis Habar jeclo wax sii, waa wax aan looga fadhiyin waana meel ka dhac, dhakhtarku raalli gelin iyo xaal ha ka bixiyo, hana ogaado inaanay sidan ugu dhalayn hasha uu fool eryayaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here