Hargaysa (Saxil News.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan Culimada Dalka, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo maanta 22/07/2015 ku geeriyooday Hargeysa.
Madaxweynaha oo marxuumka shaqsiyadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuumku ka mid ahaa culimo awdiinka dalka in mudo ahna ka adimi jiray Masjid nakhiil oo ka mid ah masaajida caasimada, isaga oo horena uga mid ahaa bahda fanka iyo suugaanta ee dhanka wanaagsan shacbiga ugu cabira kolba wixii talo iyo tusaale ah ee u baahan tilmaan, si ay uga feejignaadaan una ilaashadaan wada jirkooda iyo wada noolaanshahooda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka muxtarimka ah ee sida weyn looga qadariyo guud ahaan dhulka Soomaaliu degto.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, culimadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.