Ciidamada Itoobiya Oo Taangiyo Ku Weeraraya Magaalada Mekelle

0
19

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Milatariga Ethiopia ay qorsheynayaan in ay taangiyo ku weeraraan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray.

Millatariga ayaa uga digey shacabka ku nool magaalada Mekelle inay is ilaaliyaan oo goobo ay ku nabad galaan raadsadaan.

Afhayeenka millatariga ayaa u sheegay warbaahinta dowladdu leedahay ee EBC Colonel Dejene Tsegaye in qeybaha xiga oo ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammmeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca.

Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xidhiidhkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegeen in ciidammada federaalku ay qabsadeen Adigrat, oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle.

Dejene ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin nus malyan qof ay tahay in ay ka feejignaadaan halista.

“Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yidhi.

Ciidamada TPLF ayaan ka jawaabin hadalkan ka soo yeedhay millatariga Ethiopia.
Kumanaan qof ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Ethiopia iyo jabhadda Tigreega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here