Abiy Ahmed Oo 72 Saacadood U Qabtay TPLF Inay Isku Soo Dhiibaan

0
23

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood inay dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidammada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale.

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin”.xogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya dhulka buuraleyda ayaa wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan oo ay isdhiibeyn.

Dagaalka dhowrka toddobaad dhex maraya ciidammada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah Tigraay waxaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.

Mar sii horreysayna ciidammada dowladda Dhexe waxay ka digeen magaalada Maqale oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof in taangiyo lagu hareereeyey ayna dhici karto madaafiic in lagu garaaco, “Wax naxariis ah ma jiri doonto,” ayuu yidhi afhayeenka ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here