FAALLO:Yaa Ka Masuula Dhaqdhaqaaqa Suuqayadda Ganasiga Iyo Lacagta Shilinka Soomaaliland In Ay Dalka Ku Wareegto

0
31

Yaa Ka Masuula Dhaqdhaqaaqa Suuqayadda Ganasiga Iyo Lacagta Shilinka
Soomaaliland In Ay Dalka Ku Wareegto
Wareega lacagta waxaa masuul ka ah oo kali ah xukuumadda maadama
aanay wakhatigan wadanku lahayn warshado ama ilo dhaqaale oo waaweyn,Xukuumadii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
waxay ku dedaashay inay wareejiso lacagta oo aanay baanka ku hayanin
kolay Shaqaalaha Dawaladda iyo Ciidamadda Lacagta u kordhiso oo u
labajibaarto, iyo kolay mashaariic faro badan oo reeraysan bixiso, arimahaas
oo dhani waxay salka ku hayeen siyaasadda dhaqaalaha si dadku u kala
ceesho oo bilwalba lacag badani suuqa soo gasho.
Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa uu ahaa habka
lacagta ay suuqyadda ugu soo celiso, lacagta ugu badan waxa uu
madaxweynuhu ku bixin jiray siyaasada iyo kala furfurka macaaridkii xooganaa
ee habka haybta isaaqiyadda ahaa ku midaysnaa, sidoo kale amniga oo
ciidanka sirdoonka ayaa lacag aad u badan qaadan jiray si ay ugu suurto
gasho ka war helida cadwgii badnaa ee uu wakhtigaa wadanku lahaa hawgu
badnaadaan la socdka arimaha shabaabka iyo Dawladdii Maxaakiimtuye,
kamay madhnayn inuu lacag ku bixiyaa la socodka siyaasadda wadanka
gudahiisa iyo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta.
Xukuumaddii Madxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal alle hawnaxariistee
ayaa iyana siyaabo sidan oo kale u dhaw u wareejinjirtay lacagata Suuqyadda
Wadanka, wuxuu samayn jiray Madaxweynuhu Madaxdhaqmeedka Aqoon
yahanka iyo waxgaradka ka talo dhiibta ama dajiya colaadaha sokeeye ee
Dalka ka
alloosnaa wakhtiga inu lacago ku siiyo.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dhamaan kharashaad badan oo bixi
jiray waxay u aragtay khalad oo way jartay shaqaale badan way eriday halka
ay qaarna ka jartay gunooyinkii ay shaqadda ku qabanayeen oo lacagtii way
xaraysay waanay kaydisay.
Hadaba Dawladda waloo Soomaaliland soo martay way ku dadaalaysay inay
cashuur qaado oo lacag xarayso balse waxay Dawladdan iyo kuwii hore ku
kala duwan yihii habka lacag soo celinta ee wareejinta Lacagta, mahaa khasab
in Madaxweynuhu wax walba aqoon u lahaado ama garto, balse waxaa
khasab ah in Madaxweynuhu talooyinka shacabka iyo kuwa aqoonyahanka
wadanka dhagaysto, waxaa wakhtigan Dawladdu baahiweyn u qabtaa inay
abuurto qorshayaashii ay lacagta ku soo celin lahayad ee ay lacagata ku
wareejin layhayd si danyartu uga baxaan duruuftan adag ee Busaaradda ee
Wadanka wajahday, waa in madaxweynuhu helaa dhaqaale yahano arintaa
kala taliya, kolay yidhaadaan shaqaalaha iyo ciidamadda musharka u
labanlaab iyo kol ay yidhaadaan mashaariic reeraysan soo daaba suuqyadda
wadan lacag soo gasha ayey u baahan yihiin, xukuumadduhuna maaha lacag
ururiyayaal iyo lacag kaydiyayaal, ee waa lacag wareejiyaya
kala duwanaanshaha xukuumadihii Soomaray Soomaaliland xaga wareejinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here