Xubnaha Ugu Sarreeya Jamhuuriyiinta Oo Ku Taageeray Madaxweyne Trump Dacwadaha Uu Ka Gudbiyay Doorashada Mareykanka

0
19

Xubnaha Ugu Sarreeya Jamhuuriyiinta Oo Ku Taageeray Madaxweyne Trump
Dacwadaha Uu Ka Gudbiyay Doorashada Mareykanka.
Xubnaha ugu sarreeya Jamhuuriyiinta ayaa ku taageeray madaxweyne Donald
Trump, dacwadaha uu ka gudbiyay tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada
lagaga guuleystay, doorashadi madaxtinimo ee horraanti bishaan ka dhacday
Mareykanka.
Trump ayaa rajo ka qaba in dacwadaha uu u gudbiyay maxkamadaha ay u
diidaan Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell iyo
Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada
Kevin McCarthy, ayaa sheegay in Trump uu ku saxsanyahay in aanu aqbalin
natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in ayna dhicin waxisdabamarin ah.
Dhanka kale, ninka loo saadaaliyay inuu ku guulleystay doorashada
madaxtinimada Mareykanka, Joe Biden ayaa salaasadii wariyaasha u
sheegay, in qirasho la’aanta Trump ee guuldarrada doorashada ay tahay
yaxyax iyo waji-gabaxnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here