Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Khasaaraha Xooggan Ee Ka Dhashay Dagaalka Itoobiya

0
21

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Khasaaraha Xooggan Ee Ka Dhashay Dagaalka
Itoobiya
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi
ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo
dagaalka ka socda gobolka Tigreeda.
Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee
Itoobiya.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah
oo labada dhinac ah.

HOME ABOUT US DIINTA SOMALI HISTORY WARARKA SUUGAAN MAQAALLO MULTIMEDIA LINKS CONTACT US
Discounted Installation
Let customers know you’re open. Now offering discounted installation.
11/11/2020 Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Khasaaraha Xooggan Ee Ka Dhashay Dagaalka Itoobiya
https://burcoonline.com/articles/99526/Faahfaahinno-Ka-Soo-Baxaya-Khasaaraha-Xooggan-Ee-Ka-Dhashay-Dagaalka-Itoobiya 2/5
Talaadadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay
dwoladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigreeda.
Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya.
Dhanka kale booliiska fedaraalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in la xiray 17
sargaal oo ka tirsan militariga, islamrkana lagu eedeeyay inay qeyb ka
ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig
militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.
Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen isgaarsiintii u
dhaxeysay saldhiga iyo xarunta ciidamada qaranka.
Xukuumadda Itoobiya ayaa dhanka kale ku gacan seyrtay baaqii ahaa in
wadaxaajood la furo.
Redwan Hussien, oo ah afhayeenka dowladda Dhexe ayaa sheegay in
wadahadalo la furo ay suuragal noqonayso oo kali ah “marka la burburiyo
hubka culus ee gacanta ugu jira xoogagga daacadda u ah TPLF.
Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay doonayaan inay soo badbaadiyaan
shaqsiyaad gacanta ugu jira xoogagga Tigreeda, islamarkana gacanta lagu
soo dhigo shaqsiyaadkii fuliyay weerarka.
Waxaa isa soo tarayay baaqyada ku aadan in dagaalka la joojiyo islamarkana
wadaxaajood lagu soo afjarayo dhibaatada la bilaabo.
Dhanka kale saraakiisha dalka Sudan ayaa sheegaya in ugu yaraan 6000 oo
ah qaxooti ka soo qaxay dagaalka ka socda gobolka Tigreeda ee Itoobiya ay
soo gaareen xudduuda Sudan.
Xukuumadda Sudan ayaa isu diyaarinaysa qaabilaada boqolaal kun oo kale oo
qaxootiga Itoobiya ah.
Xero qaxooti oo loogu talagalay dadkani ayaa la dhisay, islamarkana waxay
hay’adaha gargaarka ka digayaan dhibato bina’aadanimo oo soo fool leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here