Wararka ka imanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in uu sii xooggeysanayo khilaafka ka jira gobolka Tigray iyadoo la sheegay boqolaal qof inay ku dhinteen khilaafkan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in aanu jirin in dagaal sokeeye uu ka dhacayo dalka Ethiopia.
Weriye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters oo gaadhay gobolka Tirgray ayaa ku arkay gawaadhida ciidammada oo ay saaran yihiin askar badan kuwaasoo ku sii jeeda gobolka Tigray.
Abiy Axmed ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen bakhaaro hubka lagu keydin jirey,shaqaale hay’adaha samafalkana waxa ay sheegeen in dagaal culus uu dhulka ka dhacay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada oo ku sugan dhulka Amxaarada ayaa u sheegay Reuters in iska-horimaad ka dhacay Kirakir oo ku dhow xadka kala qeybiya Tigray iyo Amxaarada ay ku dhinteen illaa shan boqol oo Tigray ah.
Wararka ayaa waxa kale oo ay intaa ku darayaan in ciidammada dowlada Ethiopia ee Federalka ay boqolaal askari uga dhinteen dagaal ka dhacay Dansha.
Ciidammada TPLF ee gobolka Tigray ayaa ah kuwo dagaalo badan hore u soo galay gaar ahaan intii u dhexeysa sannadihii 1998 illaa 2000 oo ahaa dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea iyo weliba dagaaladii jabhadeynta ee xilka loogaga tuuray Mengistu Haile Mariam sanadkii 1991-kii, waxaana lagu sheegay tirada ciidamadaa inay kor u dhaafayaan ilaa 250.000