-Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa la filayaa inay soo gaadhaan saraakiil iyo qandaraaslayaal amni oo madaxbannaan, kuwaasi oo dhanka amniga ka caawinaaya labadaasi dal si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.
Arrintaan ayaa ka danbeysay markii China ay xoogga saartay dalalkaan, iyadoo China ay saldhig millatari ka hirgelisay dalka Jabuuti, waxaa si loo dhaawaco ama khasaare loo gaadhsiiyo ka saldhigaasi ka faa’iideysan kara xulufada Mareykanka sida Sacuudiga, si danahiisana u burburin wuxuu bilaabay inuu qandaraaslayaal amni geeyo Jabuuti iyo Itoobiya.
Sida uu daabacay Foreign Policy, waxay tallaabadaan uu qaaday China dhabar jab ay ku tahay danaha Mareykanka siina xoojin doonta loolanka Mareykanka iyo China ee Africa.
Foreign Policy ayaa daabacday in Al-Shabaab laga walaacsan yahay inay burburiso ganacsiga badda cas, taasina ay sabab u tahay qorshahaan cusub ee China.
Shiinaha weligiis kama qeyb aheyn la dagaalanka argagixisada, hase ahaatee xiligaan wuxuu difaacanaya danahiisa iyo istiraajiiyada uu Africa ka leeyahay.
Haddii xiisadda iyo dagaalada Itoobiya sii daba dheeraadaan waxaa suuragal u noqoneyso AL-Shabaab inay si fudud fadhiisamo ugu sameystaan gudaha Itoobiya, wixii ay doonaana ka fuliya.