Sidee Ayay Ku Dhacday Dad Dhintay Inay Codeeyaan?” Qareenka Madaxweyne Trump Oo Qeylo-dhaan Soo Saaray

0
19

Qareenka Madaxweyne Donald Trump, Rudy Giuliani oo ka hadlayay magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin habka tirinta codadka doorashada gobollada qaar oo ay ka mid yihiin Wisconsin iyo Pennsylvania, ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka.

Qareen Giuliani ayaa sidoo kale ku andacooday in dad dhintay ay codeeyeen, ayna ogaan doonaan tirada reer aakhiraadka ah ee coddeysay.

Madaxweyne Trump ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashada ee meelaha qaar, waxaana ay ku andoocdeen in musuqmaasuq uu hareeyay, inkastoo aanan caddeyn rasmi ah loo heynin.

“Way dhammaatay.. Waan ku guuleysaneynaa doorashadan, runtii waan ku guuleysannay, waa in keliya si caddaalad ah loo xisaabiyaa codadka,” Giuliani ayaa sidaas u sheegay warbaahinta, isagoo ku sugan magaalada Philadelphia, ee gobolka Pennsylvania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here