Gudaha:PUNTLAND Oo Howl-gallo Kula Wareegtay Deegaano Ka Tirsan Gobolka SANAAG Oo Lagu Arkay Kooxda Al-Shabaab

0
24

Ciidammada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan ku galay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Ciidanka Puntland ayaa gaadhay degmada Laasqoray iyo deegaano kale oo hoostega, halkaas oo dhawaan la wareegeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in Ciidanka ay ka sameeyeen howlgallo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howlgallo gaar ah ka fuliyeen degaanka Gurya-samo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidankooda.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaya Ciidanka Puntland ayaa warbaahinta ka howlgasha Puntland u sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Gobolka, iyagoona kulan la qaatay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, isla markaana ay muxaadiro u jeediyeen dadkii ku sugnaa deegaanada ay tageen, hayeeshee waxaa la sheegay in maalmo kadib ay halkaas iskaga baxeen, waxaana gelinkii dambe ee shalay howlgallo ku galay Ciidanka Maamulka Puntland sida ay warar xog ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday.

Dhan kale xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Sanaag wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka Puntland ka waddo gudaha gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here