Itoobiya maxay ka tiri hadalkii Trump ee qarxinta biyo-xireenka?

0
16
Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Qoraalka sawirka,Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa ” uusan u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ” ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile.

Mr Abiy Ahmed si toos ah ugama jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muuki shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump hadalka uu sheegay.

Dr Abiy ayaa wacad ku maray in Itoobiya ay dhameystiri doonto Biya-xireenka.

“Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha ahaatee,” ayuu yiri.

“Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed, ma sameynayno maanta mustaqbalkana ma sameyn doono.”

Hanjabaad kasta oo arrintan ku saabsan waa “mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn islamarkana jabinaysa shuruucda caalamiga ah”. Ayuu intaa ku daray.

Mashruucan ballaaran ee ay Itoobiya kud hisayso Biya-xireenka ayaa ah xudunta muranka u dhaxeeya Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Itoobiya ayaa u aragta in Mareykanka uu la saftay masar marka ay timaado muranka albaad dhinac.

Hadalka rai’sul wasaaraha Abey Axmed ayaa ka dambeeyay ka dib markii madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay hadal guux badan ka kicyay gudaha waddanka Itoobiya. Trump ayaa tilmaamay in Masar ay burburin karto biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhinac dhisayso Webiga Nile.

Trump ayaa hadalkaasi ka sheegay shir dhinaca taleefanka ah oo ay heshiiska diblumaasiyadeed ku gaarayeen dalalka Suudaan iyo Israa’iil, markaas oo ay khadka ku jireen madaxda labadaasi dal.

Madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha Aqalka Cad waxa uu ugu sheegay “Waa xaalad aad u halis badan sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta.”

“Ugu dambayntii biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waan iri kor ayaanan u leeyahay – biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waana inay wax sameeyaan,” ayuu sii raaciyay Trump.

Madaxweyne Trump intaas kuma uusan ekaan ee waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay arrintaasi ka seexatay: “Waa hore in uusan bilaaban ayey aheyd inay joojiyaan,” ayuu yiri.

Dhanak kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Hailemariam Dessalegn, ayaa si caro leh arrintaas uga falceliyay.

Dessalegn ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in hadalka Trump uu u sheegay ra’iisul wasaaraha Suudaan uu yahay mid aan loo meel dayin.

.
Qoraalka sawirka,Biyo xireenka itoobiya

Waxa uu intaasi ku daray inuu ka daray inuu ka xun yahay inuu yiraahdo hasayeeshee ay dhabta tahay in ninkaasi [Trump] uusan ogayn waxa uu ku hadlayo.

Dowladda iyo dadka Itoobiyaba waligood laguma handadin bayaan aanay mas’uuliyad ku dheehnayn oo noocaasi oo kale ah. Taariikhdaa macallin inoo ah.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Horraantii bishii Sibteembar ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay dhaqaalaha gargaarka ah ka jari doonto Itoobiya, arrin salka ku haysa biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhinac dhisayo Webiga Nile.

Arrintaas ayaa waxaa sabab u ahaa tallaabada ay Itoobiya ku buuxinayso biyo-xireenkan wayn ka hor inta aanay wax heshiis ah la gaarin dalalka Masar iyo Suudaan.

Dowladda Masar ayaa muddo dheer waxa ay ka soo horjeedday in webiga Nile laga dhinac dhiso waxkasta oo yarayn kara biyaha ay hesho.

Itoobiya ayaa iyana sheegaysa inay biyo-xireenkan u doonayso inay hesho koronto la isku halayn karo.

Markii si buuxdo loo howlgaliyo biyo-xireenkaas, waxa uu noqon doonaa biyo-xireenka ugu wayn ee Afrika ee koronto lagu dhaliyo, iyadoo ay koronto heli doonaan 65 milyan oo qof oo Itoobiyaan ah.

Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa muddo sanado ah waxa ay lahaayeen wadahadallo ay doonayeen inay uga heshiiyaan qaabka iyo habka ugu habboon ee si nabad ah xal looga gaari karo ammaanka biyaha Webiga Nile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here