Alle ha u Naxariistee waxaa goordhweyd Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid aahyd fannaaniinta ugu Caansan Soomaaliya.
Baxsan ayaa ka mid ahayd Fannaaniinta dalka aan ka bixin tan iyo Bur-burkii dowladda Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre uu Madaxweynaha ka ahaa, waxaana lagu xasuusataa Saynab Xaaji Heesaha Guubaabada ah ee ku dhiirra Galin jirtay Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna fanaanadu mudooyinkii denbe ku xanuunsanayd Magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeyntii ku geeriyootay.
Sii hayaha wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir, hobollada waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan.
Saynab waxay fanka ku soo biirtay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, iyadoo riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.
Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aasaasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale.
Waqtigii burburka Saynab xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal.