Waxaa 4-ta bisha Nofembar lagu wadaa in dalka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimda, taas oo u dhaxeyso musharixiinta kala ah madaxweynaha tallada haya, Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden.
Doorashada Mareykanka waxaa ay saameyn ku leedahay shacabka dalkaas iyo dunida inteeda kale, natiija walba oo ka soo baxdana waxaa la aaminsan yahay in si toos ah ama si dadban ay u saameneyso dalalka caalamka.
Hannaanka siyaasadeed ee Mareykanka waa mid ay ku hardamaan labada xisbi ee ugu waaweyn dalkaas oo madaxweyne walba oo la doorto waxaa uu ka yimaadaa mid ka mid ah labadaas xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga.
Xisbiga Jamhuuriga waa midka muxaafidka ah ee hadda talada haya, tartankana waxaa ku matelaya madaxweynaha tallada haya, Donald Trump, kaas oo doonaya in markale dib loo doorto, afar sano kalena oo Mareykanka uu sii maamulo.
Xisbiga Dimuqradigana waxaa loollanka ku matelaya Joe Biden oo madaxweyne ku xigeen usoo ahaa Obama muddo siddeed sano ah.
Labadan musharax waxaa ay ku jiraan da’da 70 sano, oo madaxweyne Trump waa 74 sano jir halka Joe Bide-na ay da’diisu tahay 78 sano.
Biden wuxuu noqonayaa musharixii madaxweyne ee ugu horeeyay taariikhda Mareykanka ee ugu da’da weyn, una tartama xilka ugu sareeya dalkaas.
Sidee loo go’aamiyaa qofka guuleysta?
Labada musharax waxay ku loolamayaan in ay helaan codadka ergada ama waxa loo yaqaano electoral college votes.
Gobol walba wuxuu leeyahay tiro erga ah oo lagu saleeyay tirada dadka ku nool gobolkaas, waxaana guud ahaan tiradoodu ay gaareysaa 538 ergo. Guuleystaha waa midka hela 270 codadka ergada iyo in ka badan.
Tani waxay ka dhigan tahay in codbixiyeyaasha ay go’aan ka gaarayaan kuraasta heer gobol marka loo eego tan guud ee qaranka, waana taas sababta musharax uu ugu guuleysan karo codadka guud ahaan balse aysan ka dhigneyn in uu guuleystay.
Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa Hillary Clinton oo heshay codadkii ugu badnaa ee shacabkii codeeyay haddana waa looga adkaaday codadka ergada doorashada taas oo Trump u fududeysay in uu madaxweyne noqdo.
Balse, laba gobol ayaa guusha wax ka badali kara, marka musharrax kasta oo ku guuleystay tirada ugu badan ee codadka ayaa lagu abaalmarin doonaa dhammaan codadka ergooyiinka ee labadaas gobol.
Gobollada badankooda waxay u codeyn karaa hal xisbi, marka waxaa diiradda la saarayaa 12 gobol oo musharax kasta oo filayo in uu guul ka gaaro. Waxaana ku waa loo garanayaa gobollada sida adag loogu loolamo.
Yaa codeyn kara, sideese loo codeeya?
Haddii aad tahay muwaadin Mareykan ah, da’daaduna ay ka sareyso 18 sano, waxaad xaq u yeelanaysaa in aad codkaaga ka dhiibato doorashada Mareykanka oo la qabta afartii sanaba mar.
Haseyeeshee maamulada gobollada Mareykanka qaar ayaa ansixiyay sharci cusub oo dhigaya in qofka uu marka hore soo bandhigo waraaqaha aqoonsigiisa, si loo xaqiijiyo qofka uu yahay kahor inta uusan coeynin.
Sharcigan waxaa meelmariyay xisbiga tallada haya ee Jamhuuriga, kuwaas oo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago wax isdaba marin dhanka doorashada ah, balse Dimquraadiga waxay ku eedeeyeen in arrintan ay u adeegsanayaan in ay ku cadaadiyaan dadka aanan heli karin kaararka aqoonsiga sida shatiga baabuurta lagu kaxeeyo.
Sida ay dadku u codeynayaan waa arrin sannadkan dood ay ka taagan tahay maadaama xanuunka Covid-19 uu dunida ka dilaacay. Siyaasiyiinta qaar waxay ku baaqayaan in sannadkan si baahsan loo adeegsado habka codeynta boostada oo dadku ay musharaxa ay doonaan ay u codeyn karaan iyagoo guryahooda jooga.
Balse madaxweyne Trump oo aan caddeyn buuxda soo bandhigin wuxuu ku andacoonayaa in tani ay horseedi doontaa wax isdaba marin dhanka doorashada.
Dadka ma waxay doorayaan madaxweynaha oo keliya?
Maya. Dhammaan indhaha waxay kusii jeedaan doorashada madaxweynaha balse sidoo kale waxaa la dooranayaa gollaha aqalka Kongreska.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa durbaba heysta aqlabiyadda aqalka Kongreska, waxaana iminka ay u dagaallamayaan sidii ay usii heysan lahaayeen aqlabiyaddaas, gacantana ugu dhigi lahaayeen kan aqalka sare ee Sanet-ka.
Haddii ay aqlabiyad ku yeeshaan labada aqal, waxaa la aaminsan yahay in ay hor istaagi doonaa qorsheyaasha siyaasadeed ee madaxweyne Trump haddii markale dib loo doorto.
Dhammaan 435 xildhibaan ee aqalka Kongreska waxaa ay galayaan doorasho, halka 33-da aqalka sare ay iyaguna miiska saran yihiin.
Goormaa natiijada lagu dhawaaqayaa?
Waxaa ay qaadan kartaa dhowr cisho in la tiriyo codadka doorashad balse saacadda hore ee maalinta xigta waxaa la ogaan karaan qofka guuleysanaya.
Sannadkii 2016-ka, madaxweyne Trump ayaa masraxa New York qabsaday saddexdii aroornimo si uu u jeediyo khudbadda guushiisa, waxaana halkaas uu kula hadlay tagaeerayaashiisa.
Doorashada sannadkan se saraakiisha maamuleysa waxaa ay sheegeen in laga yaabo in ay qaadato maalmo iyo toddobaadyo dheeraad ah si loo shaaciyo natiijadda doorashada, waxaana loo aaneynayaa cudurka corona iyo habka codeynta oo ah midda boostada.
Markii ugu dambeysay oo doorashada Mareykanka aysan kala caddaanin waxay ahayd sannadkii 2000, xilligaas oo qofka guulestay aanan la shaacinin ka dib markii natiijadda doorashada la geeyay maxkamadda sare ee Mareykanka, maxkamadduna ay muddo bil ka dib shaacisay natiijada.
Goormuu musharaxa guuleysta xafiiska la wareegayaa?
Haddii ay dhacdo in doorashadan uu ku guuleysto musharax Joe Biden, durbaba xafiiska lama wareegayo, maadaama ay jirto muddo kala guur ah oo loogu talagalay hogaamiyaha cusub in uu kusoo magacaabayo gollihiisa wasiirada iyo hirgelinta qorshayaahiisa siyaasadeed.
Madaxweynaha cusub waxaa si rasmi ah xafiiska loogu dhaarinayaa 20-ka bisha Janaayo, waxaana la qabtaa xafladda caleema saarka oo lagu qabto dhismaha Capitol Hill ee Washington DC.
Xafladda ka dib, madaxweynaah cusub waxaa loo galbiya aqalka cad, si uu u bilaabo muddo xileedkiisa afarta sano ah.