HALKAN KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKA MARXUUM CALI KHALIIF GALAYDH OO KOOBAN

0
20

Hargeysa(saxilnews.com)-Prof Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool 15 October, 1941-kii, halkaas oo uu ku soo qaatay qaybihiisii hore ee noloshiisa dhalinyarnimo iyo waxbarashada aasaasiga ah.

Waxbarashadii dugsiga Sare waxa uu ku dhammeystay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah waxa uu qeybo ka mid ah ku soo qaatay jaamacado dibadda ah ilaa uu ka dhammaystay waxbarashada heerka Shahaadada PHD. 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York ee dalka Maraykanka.

 

Dhowr sanno kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda, isagoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1967-kii.

Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu noqday Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii Kacaanka. Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Raysal-Wasaaraha Soomaaliya sannadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sannadkii 2014-kii Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo. Allaah ha u naxariistee Marxuum Galaydh, waxa aas qaran loogu samayn doonaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, haddii Illaahay idmo.

  1. 1941 Wuxuu ku dhashey baadiyaha Lascaanood ee gobolka Sool
  2. 1961 waxa uu ka baxay Dugsiga sare ee degmada Sheekh
  3. 1965 Waxa uu ka qalin jebiyey Jaamacadda Boston university
  4. 1969-1972 Waxa uu shahaadada Masterka iyo Ph.D ku diyaariyey Syracuse University.
  5. 1973-1974-kii ayuu soo ahaa Agaasimaha Guud Machadka Barashada Maamulka Dowliga ah ee SIPA.
  6. 1974-1976-kii waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee Warshaddii Sokorta Jowhar ee SNAI.
  7. 1976-1980-kii Cali waxa uu ahaa Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sokorta Jubba.
  8. 1980-1980 Wasiirkii Wershadaha
  9. 1994-1996 Waxa uu Barre ka ahaa Jaamacadda Syracuse University
  10. 1996- 2000 Madaxa shirkadda SOMTEL
  11. 2000-2001 Raysalwasaarihii Soomaaliya iyo Xildhibaan.
  12. 2012-2014 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka
  13. 2014 Madaxweynaha Khaatumos State

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here