Home Article & Opinions Dawlada Sucuudiga Oo La Sheeggay Inuu Cunaqabayn Kusoo Rogay Tukriga

Dawlada Sucuudiga Oo La Sheeggay Inuu Cunaqabayn Kusoo Rogay Tukriga

0
24

Saudi arabia

Waregysada carabta ayaa ka hadlay hadal kasoo baxay guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Sucuudiga Ajlan Al-Ajlan kaas oo u ku baaqay in cunaqabateyn dhaqaale lagu soo rogo Turkiga gaar ahaan badeecadaha uga imaado dhinaca Ankara.

Xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga ayaa xumaaday kaddib sanado badan oo ay isku fahmi la’aayeen siyaasadda dibadda iyo xiisaddii ka dhalatay kaddib dilkii weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji kaas oo lagu dilay magaalada Istanbul sanadkii 2018-kii.

Dagaalka dhanka dhaqaalaha

Wargeyska Ra’yul Yawm ee fadhigiisu yahay London ayaa ku warramay sidatan “Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay ku dhawaaqeen dagaal dhanka dhaqaalaha ah oo ka dhan ah Turkiga xilli labo sano ay kasoo wareegtay dilkii weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji kaddib hadalka kasoo baxay guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Sucuudiga Ajlan Al-Ajlan, kaas oo soo jeediyay in cunaqabateyn weyn lagu soo rogo Turkiga gaar ahaan badeecadihii uga imaan jiray dalkaas ha ahaadaan badeecadaha laga soo dhoofiyo Turkiga ama dalxiiskaba”

Wargeyska wuxuu intaas ku daray “Dagaalka ganacisga ee ka dhex taagan Sucuudiga iyo Turkiga ma uusan gelin bog rasmi ah oo laisaga ilaalinayo tallaabo kasta oo uga imaan karta Ururka Ganacsiga ee Adduunka, sababtaas, waxaa la rumeysan yahay in Ajlan Al-Ajlan oo hogaamiyo rugta ganacsiga ee Sucuudiga uu codsi usoo jeediyay ganacsatada ama shirkadaha ka tirsan rugta uu madaxa ka yahay in aysan badeecadaha kasoo dhoofsan Turkiga”

Qoraaga u dhashay Turkiga Ayoub Saghjan wuxuu rumeysan yahay "In Maxamed Bin Salmaan uusan ka shaqeyneyn danaha Sucuudiga balse ma ahan arrin ka dhan ah Turkiga"
Qoraalka sawirka,Qoraaga u dhashay Turkiga Ayoub Saghjan wuxuu rumeysan yahay “In Maxamed Bin Salmaan uusan ka shaqeyneyn danaha Sucuudiga balse ma ahan arrin ka dhan ah Turkiga”

Wargeyska Al Carab ee fadhigiisu yahay London wuxuu rumeysan yahay “Inkasta oo sanadihii lasoo daafay ay jireen baaqyo ku saabsan in cunaqabateyn lagu soo rogo wax soo saarka Turkiga iyo goobahiisa dalxiiska, Boqortooyada ma aysan qaadin tallaabo dhaqaale oo ka dhan ah Turkiga si aysan u jebin xeerarka caalamiga ee ganacsiga”

Wargeyska wuxuu intaas ku daray “Baaqa ah cunaqabateynta ah kuma koobno oo kaliya ah arrimaha dalxiiska balse wuxuu u horseedi karaa in ganacsatada Sucuudiga aysan iibsan guryaha Turkiga, siyaasadaha Erdogan waxay Turkiga geliyeen dhibaato xilli dhaqaalaha dalkaas uu hoos u dhacay”

“Ma ahan arrin ka dhan ah Turkiga”

Wakaaladda wararka ee Turkiga ayaa soo xigatay nin qoraa ah oo la yiraahdo Ayub Saghjan kaas oo sheegay “Hadalka kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga ee qabiilsan arrimaha ganacsiga wuxuu xaqiijinayaa in cunaqabateynta ka dhanka ah badeecadihii Turkiga uga imaan jiray in dhawaan ay si buuxda u dhaqan galeyso…Go’aankan ma saameynayo Turkiga balse wuxuu saameyn doonaa Sucuudiga”

Wuxuu intaas ku daray “Badeecadaha uu Sucuudiga kasoo dhoofsado Turkiga wuxuu kasoo dhoofsan karaa dal kasta kuwaas oo uga qiimo jaban ugana tayo wanaagsan, marka Maxamed Bin Salmaan shacabka Sucuudiga wuxuu u horseedaya dhibaato….qiimaha badeecadaha ayaa cirka isku shareeri doona gudaha Sucuudiga kaddib go’aankan, waxay ka dhigan tahay in Maxamed Bin Salmaan uusan ka shaqeyneyn danaha Sucuudiga balse ma ahan arrin ka dhan ah Turkiga”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu wuxuu wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay “Haddii la dhaqan geliyo, cunaqabateyntaas waxay baal marasan tahay xeerarka caalamiga ah ee u yaalla Ururka Ganacsiga ee Adduunka”

Wuxuu intaas ku daray “in loo baahan yahay heshiis labo geesood ah oo lagu xallinayo arrintaas”

“Waxaana lagu khasbanaan doonaa in la qaado tallaabooyin waa haddii la gaari waayo heshiis isla markaana cunaqabateynta la dhaqan geliyo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here