Wuxuu kamid ahaa dadkii dadaalka badan geliyay in xujeyda gobolka ay si koox koox ah xajka loo geeyo.
Sheekh Cali Guure wuxuu sanado kusoo dhex jiray fiditaanka dacwada Islaamka gaar ahaan jeedinta maxaadarooyinka, dhisidda masaajiddo, madaaris iyo dugsiyo Qur’aan.
Wuxuu Sheekha ku geeriyooday da’da 70 jir, wuxuuna inta badan cimrigiisa kusoo qaatay barashada iyo faafinta dacwada diinta Islaamka.
Wuxuu masaajidda magaalada ka akhrin jiray khutubo badan iyo tafsiirka Qur’aanka Kariimka.
Sheekha wuxuu sidoo kale ahaa nabaddoon, wuxuu ka qeybgalay shirar lagu heshiisiinayo dad xoolo dhaqato ah oo ku dagaallamay qeyb kamid ah gobolka.
“Sheekh hadda wuxuu ka tegay qoys weyn oo ka kooban saddex xaas, 21 carruur ah iyo 18 carruur oo uu awoow u yahay” ayuu yiri mid kamid ah culimadii aqoonta u laheyd ee ka qeybgashay aaska.
“Nin cilmiga raadsan jiray ayuu ahaa, raggii Baardheere tegay buu ahaa, Kismaayo tegay, Afmadow buu tegay meel uu cilmi u raadsan Sheekha maleh”
Cabdullaahi Cabdirisaaq oo kamid ahaa ardeyda Sheekha ayaa BBC-da u sheegay in kitaabo badan uu Sheekha u akhriyay.
“Aniga waxaan ku xasuustaa dhowr kitaab ayuu inoo akhriyay, Kitaabka la yirhaado ‘Raxiiqul Makhtuum’ ee ka hadlayo taariikhda islaamka ayuu inoo akhriyay. Tafsiirkana wuu inoo bilaabay anaga oo dhalinyaro badan ah”
Sheekha wuxuu si xikmadeysan casharka ugu gudbiyay dadkii ku xirnaa casharradiisa isla markaana aan laga cajisin.
“Wuxuu ahaa qof aan marnaba laga cajiseyn wakhti kasta ha socdo casharkaas ama muxaadarada, inta uu wax ku baraayana sheeko iyo shactiro ayuu kuu gelinayay”
Sheekh waxaa galabnimadii shaley aheyd lagu aasay magaalada Gaarisa, aaskiisa waxaa ka qeyb galay kumanaan kun oo qof.