RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Brazil Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoydiisa Ee Kulamada Isreeb-reebka Koobka Adduunka – Miyaa laga Reebay Neymar & Coutinho?

0
30

Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa ku dhwaaqay liiska xulka qaranka dalkaas ee ka qayb-geli doona kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaari doonaan Bolivia iyo Peru.

Brazil oo ah dalka ugu guulaha badan Koobka Adduunka, shan jeerna haniyey ayay ahayd inay kulamadooda isreeb-reebka ciyaaraan bishii March, laakiin caabuqa Korona ayaa qasab  ka dhigay in loogu riixo bisha October maadaama ay dunidu kala xidhnayd.

Tababare Tite ayaa shaaciyey magacyada 23ka ciyaartoy ee xulka uga qayb-geli doona kulamada labada ah ee ugu soo horreeya ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanu ku daray toddoba laacib oo ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League

Neymar ayaa hoggaamin doona xulka qaranka Brazil, waxaana ku wehelin doona saaxiibkiisii PSG ee Thiago Silva oo xagaagan u wareegay Chelsea, Roberto Firmino, Gabriel Jesus, Richarlison iyo Rodrigo, kuwaas oo indho gaar ah lagu hayn doono bandhiggooda.

Kubbad-sameeyaha Barcelona ee Philippe Coutinho oo mustaqbalkiisa Camp Nou aanu sugnayn laakiin wacdaro kasoo dhigay kulamadii Champions League ee uu bishii August u ciyaaray Bayern Munihc oo uu koobka kula soo guuleystay ayaa isaguna ku jira liiska xulka.

October 9 ayay Brazil la ciyaari doontaa Bolivia oo ay kusoo dhoweyn doonaan Sao Paulo ka hor inta aanay u safrin caasimadda Peru ee Lima oo ay afar maalmood kaddib ciyaarta hore kula dheeli doonaan Peru.

Koobka Adduunka 2022 ee lagu qaban doono waddanka Qatar ayay Brazil doonaysaa inay la timaaddo qaab ciyaareed ka maydhi kara fadeexaddii ka raacday 2014 oo Jarmalku uu toddoba gool ka dhaliyey.

Ciyaartoyda oo dhamaystiran

Alisson (Liverpool), Santos (Athletico-PR), Weverton (Palmeiras); Rodrigo Caio (Flamengo), Danilo (Juventus), Felipe (Atletico Madrid), Renan Lodi (Atletico Madrid), Marquinhos (Paris Saint-Germain), Gabriel Menino (Palmeiras), Thiago Silva (Chelsea), Alex Telles (Porto); Casemiro (Real Madrid), Philippe Coutinho (Barcelona), Fabinho (Liverpool), Bruno Guimaraes (Lyon), Douglas Luiz (Aston Villa), Everton Ribeiro (Flamengo); Everton (Benfica), Roberto Firmino (Liverpool), Gabriel Jesus (Manchester City), Neymar (Paris Saint-Germain), Richarlison (Everton), Rodrygo (Real Madrid)

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here