kusoo dhawaada xubintii aan diirada ku saareynay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Wali waxaa furan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalada yurub, dhamaan kooxahana waxey heystaan fursado isku mid ah oo ay saxiixyo cusub ku sameyn karaan, waxaan idiin soo gudbin doonaa xaaladahii ugu dambeeyay inagoo sameyn doona xigasho.
Wararka suuqa kala iibsiga caawa oo Axad ah ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
Borrusia Dortmund ayaa ku dhaw iney Manchester City kala soo saxiixato da’yarka garabka ka ciyaara Jamie Bynoe-Gittens.
16-jirkaan heerka caalami ayaa ku boos ah Jadon Sancho oo laga celin la’yahay Man United kaas oo qudhiisa akadeemiga Man City kaga soo biiray sanado ka hor. (Sida lagu qoray The Bild)
Tababare Antonio Conte ayaa doonaya inuu garoonka San Siro kula midoobo Marcos Alonso oo ay kasoo wada shaqeeyeen kooxda Chelsea, iyadoo la ogyahay iney Inter Milan lasoo saxiixatay Aleksandar Kolarov, balse wali Antonio wuxuu raadinayaa inuu difaaciisa xoojiyo. (Sida uu baahiyay SKy Sport Italia)
Halyeeygii hore Holland (Sjaak Swart) wuxuu qiray in Ronald Koeman uu doonayo saxiixa Mohamed Salah, sidoo kalana xiddiga reer Masar uu jeclaan lahaa inuu yimaado Barcelona. (Wuxuu hadalkaan u sheegay Dazn)
Achraf Hakimi oo dhawaan kusoo biiray Inter Milan ayaa la xaqiijiyay inuu xiran doono lambarka 55-aad – Xiddigaan wuxuu ka yimid Borrusia Dortmund oo uu wacdaro kusoo dhigay.
Liverpool ayaa ku dhaw iney lasoo saxiixato Marcelo Pitaluga oo goolka u qabta Fluminense, 17-jirkaan tayada wanaagsan wuxuu ku imaanayaa Reds lacag dhan 2 Malyan oo Yuuro. (Sida lagu qoray Daily Mail)
Juventus ayaa dooneysa iney soo yareyso lacagaha ay mushaaraadka u bixiso, waxeyna isha ku heysaa iney iska dirto Sami Khedira, Mattia De Sciglio and Marko Pjaca. Hadii ay tallaabadaan qaado waxaa u baaqaneysa 25 Malyan oo Yuuro. (Sida lagu qoray Tuttosport)
Arturo Vidal ayaa la rajeynayaa inuu berito (Isniin) soo gaaro magaalada Milan si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Inter Milan, xiddigaan heerka caalami ayaa xor uga dhaqaaqi doona Barcelona. (Sida lagu qoray Corriere dello Sport)
Tottenham Hotspur ayaa dooneysa iney soo qaadato Andrea Belotti si ay ugu kaabto Harry Kane. Spurs waxey gudbisay dalab amaah ah oo ay raacsan tahay dooq lagu iibsan karo, balse Torino wey diiday, iibsada ama iska dhaafa ayaa loogu jawaabay kooxda London ka dhisan. (Sida uu baahiyay lagu qoray Sky Sport Italia)
Weeraryahanka Paris Saint Germain (Kylian Mbappe) ayaa maamulka kooxda u sheegay inuu xagaaga soo aadan isaga tagi doono Parc des Princess, sidaas darteedna ay la hadlaan cid walba oo dooneysa. (Sida lagu qoray The Times)