“Xitaa ma aanan dareemin in aan ahay qof banii’aadan ah”

0
20
Lauren selfie

Waxay la murugootay xiriir jeceyl oo “xun” markii ay dhashay gabadheeda Codie iyada oo 16 jir ah, waxayna arrintaas ku reebtay xannun dhanka dhimirka ah.

“Xitaa ma dareemin in aan ahay qof banii’aadan ah” ayay u sheegtay barnaamijka BBC-da ee Radio 1 Newsbeat.

“Waxaan dareemay sida qof aan waxbo aheyn iyo in qof uu nafta iga qaadayo, waxaana dareemay in la iiga siibay xubnaheyga, maba dareensaneyn in aan ahay qof banii’aadan ah”

Lauren iyo gabadheeda Codie
Qoraalka sawirka,Lauren iyo gabadheeda Codie

Lauren waxay ka badbaaday inay is disho bishii Agoosto ee sanadkii 2018-kii.

Xafiiska tirakoobka qaranka ee UK wuxuu sheegay in guud ahaan England iyo Wales, tirada dadka is dilay sanadkii 2019-kii ay si aad ah u sarreysay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Waxaana lagu qiyaasay dadkaas 10 jir ilaa 24 jir, sanadkii 2012-kii tirada dadka is dilayo waxay gaartay 81 halka sanadkii lasoo dhaafay ay gaartay 159.

“Wax naxdin ah iguma reebeyso tiradaas” ayay tiri Lauren.

Warqadda ay qoreen Lauren iyo kooxdeeda
Qoraalka sawirka,Warqadda ay qoreen Lauren iyo kooxdeeda

Xilligii lagu gudo jiray xayiraadda ka hortagga fiditaanka feyraska Korona waxay tageen goob waxay dadka isi dilayo uga tageen warqad ay ku qoran yihiin ereyo dhimrin ah.

“Waxaan helnay farriimo dhowr ah oo ku saabsan tallaabada aan qaadnay, waxay horseeday in aan ogaanno in dad badan ay la daalaa dhacayaan dhibaatadan”

‘Cidna ma ogeyn dhibaatada aan marayay’

Lauren waxay sheegeysaa in markii hore dadka ay moodayeen in aan ahay qof doonayo in uu soo jiito quluubta dadka.

“Dadka si dhab ah uma qaadaneyn, waxay umaleynayeen inay ila soo deristay xaalad jahwareer ah’

“Markii aan go’aansaday in aan la hadlo saaxibadeyda iyo qoyska waxaan dareemay in xaaladdeydu ay kasoo reyneyso”

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Saddex meelood saddex dadkii is dilay sanadkii lasoo dhaafay gudaha England iyo Wales waxay ahaayeen rag, tiradaas oo gaareysay 5,691.

Waxay tiradu muujineysa in labatankii sano ee lasoo dhaafay dadka is dilayay ay u badnaayeen ragga.

Xilli lagu gudo jiro dhibaatada ka dhalatay safmarka Korona, ha’yadaha samafalka waxay ka digayaan inay soo bateen xanuunada dhimirka maadama dadka qaar ay shaqo la’aan noqdeen iyo dadka qaar ay guryahooda ku cidloobeen.

Labo sano kaddib Lauren waxay haatan ku faraxsantahay inay ka badbaado inay is disho.

“Waxaan ogaaday in maalintaas ay aheyd maalin xun”

Presentational grey line

Waxay dadka ay lasoo deristo dhibaatooyinkaas kula talineysaa inay raacaan qodobadan soo socda.

Waa caadi in aad ka hadasho

Mararka qaarkood waxaa ceeb ah in dhibaato ay ku heyso isla markaana aad daaremeyso in aysan jirin cid dan kaa leh.

Waxaa jiraa dad badan oo dhibaatooda la wadaago saaxibadooda ama talo raadsado.

Sameyso qorshe deg deg ah oo aad ku aqoonsaneyso dhibaatada ku heysato

Waa in aad ogaataa waxa ku dhibayo.

Marka aad niyad jabsantahay, waxaa dhacdaa in aad la daalacato Facebook oo aad eegto sawirrada asxaabtaadii hore ama aad dhageysato heeso murugo ka hadlayo, ama filin aad horey u daawan jirtay, waana arrinta jirta, ha sameyn tallaabooyinkaas.

Ka fogaaw khamriga iyo daroogada

Ma aha talo dad badan ay jecleysanayaan, dadka qaar marka ay cajisaan waxay isticmaalaan daroogada si ay u firfircoonaadaan.

Waxaa laga yaabaa in isticmaalka daroogada iyo khamriga ay ku horseedaan falalka is dilka ah, marka ka fogaaw.

Sameyso sanduuq daryeel

Wuxuu noqon karaa sanduuq ama boorso ama qalab kaleba, waxaad ku rideysaa waxyaabaha aad u maleyso inay ku xiiso geliyaan.

Waxaadna kala sooo baxeysaa qalabkaas ama waxyaabaha aad jeceshahay ee kuugu jiro sanduuqaas ama boorsadaas si ay farxad kuu geliyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here