Jaamacadda Carabta: Turkiga wuxuu halis ku yahay amniga carabta

0
20
.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Saamix Shukri, wuxuu ku eedeeyay Turkiga in uu yahay khatarta ugu weyn ee ku soo fool leh midnimada carabta.

Wuxuu sheegay in Turkiga uu wado ficilo iyo daandaasi ka dhan ah dalalka Carabta.

Saamix Shukri ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu hadal u jeedinayay guddi wasiiro ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ka doodayay faragelinta Turkiga ee waddamada Carabta, waxaana shirkaas guddoomineysay Wasiirka Masar.

Wuxuu ku baaqay “In lagu dhawaaqo qaraar laga mideysan yahay oo looga hortagayo rajiimka Turkiga,” iyadoo iskaashi xooggan laga helayo dalalka Carabta.

“Ammaanka dhulka carabta”

Amiir Feysal Bin Farxaan, oo ah wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shirka wasiirada arrimaha dibadda, ka sheegay in dalalka Carabta ay wajahayaan dhibaato culus oo ah dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba.

Wuxuu ku adkeystay “muhiimadda iyo baahida loo qabo ay tahay in sare loo qaado dadaallada iyo tallaabooyinka dalalka carabta.”

Wasiirka arrimaha Dibadda Sucuudiga wuxuu sidoo sheegay in xukuumadda Riyaadh ay ka go’antahay xaqiijinta iyo ka shaqeynta danaha dalalka Carabta isla markaana aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo halis ku ah amniga gobolka.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdog
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Wuxuu ka dhawaajiyay in dalkiisa uu taageerayo wadahadallada siyaasadeed ee lagu xallinayo qalalaasaha ka taagan dalalka Suuriya, Libya iyo Suudaan.

“Waa in aan tallaabo adag ka qaadnaa dhammaan faragelinta shisheeye ee ka dhanka ah arrimaha daakhiliga ah ee dalalka Carabta, lagana hor imaado dalalka iyo bulshooyinka danaha gaarka ah wata.”

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Sisi, ayaa horey u sheegay in ciidamada Masar ay geli doonaan Libya waa haddii xukuumadda Tripoli iyo Turkiga ay weeraro kale ku qaadan xeebta Jufra oo ku taalla magaalada Sirte, halkaas oo laga dhoofiyo shidaalka, waxaana halkaas gacanta ku haya ciidamada daacadda u ah Janaraal Khaliifa Haftar.

Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan wuxuu dhalleeceeyay kaalinta Masar ee ku aadan xaaladda Libya, wuxuu ku tilmaamay in taageerada Masar ay siineyso Khaliifa Haftar ay tahay ‘tallaabo sharci darro ah”.

Erdogan wuxuu horey u sheegay: “Xiriirka aan la leenahay Libya wuxuu soo jiray in ka badan 500 oo sano. Walaalaheen Libya meel cidlo ah ugama tegi doono.”

Turkiga wuxuu taageeraa dowladda Libya ee Qaramada Midoobey ictiraafsan tahay, halka Masar iyo dowlado kale ay garab siinayaan Janaraalka loo maara waayay ee Khalifa Xaftar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here